DF oo go’aan lama filaan ah kasoo saartay la-kulanka ROOBLE ee Ahlu-Sunna

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Ayada oo aad loo rumeysnaa in ra’iisul wasaare uu safarkiisa Dhuusomareeb uga faa’iideysan doono inuu dhameeyo xiisadda Ahlu-Sunna iyo Galmudug, lana kulmo culimada, ayaa xukuumadda waxay soo saartay war kaas ka duwan.

Wasiir ku xigeenka wasaaradda warfaafinta XFS Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala oo qeyb ka ah wafdiga Ra’iisul Wasaare Rooble ee gaaray magaalada Dhuusamareeb ayaa sheegay in qorshaha Rooble aysan ku jirin in wadahadal uu la galo xoogagga Ahlu-Sunna ee dhawaan dagaalka la galay Galmudug.

Waxaa lagu han-weynaa in Rooble uu u kala dab-qaadi doono maamulka Galmudug iyo culumada hubeysan ee Ahlu-Sunna oo fariisin ka dhigatay deegaanka Bohol oo qiyaastii 40 KM Dhuusamareeb u jira, balse hadda wafdiga Rooble waxa uu shaaciyey intaasi aysan dhici doonin.

“In R/Wasaare Rooble uu wadahadal la geli doono Ahlu-Sunna waxaba kama jiraan, meeshaan waxaa ka jira maamul la yiraahdo Galmudug, ra’iisul wasaaruhu mowqifkiisa mar hore ayuu cadeeyey, kaas ayuuna ku taagan yahay weli, maamulka iyo madaxda halkaan ka jirta ayuu ra’iisul wasaaruhu la garab taagan yahay caawinaada ay u baahan yihiin,” ayuu yiri Cabdiraxmaan Al-Cadaala.

Wasiir ku xigeenka ayaa sheegay in qorshaha uu Rooble u tegay Dhuusamareeb uu yahay in madaxda Galmudug uu kala hadlo dedejinta doorashooyinka xildhibaanada golaha shacabka, isla markaana uu sidoo kale tegi doono xarumaha kale ee dowlad goboleedyada dalka.

Janeraal Aadan Abshir Nuur (Laba Afle) oo ka tirsan saraakiisha ciidanka xoogga dalka ayaa maalin ka hor shir jaraa’id ku qabtay magaalada Dhuusamareeb, kadib mudo 12 maalmood ah oo Ahlu-Sunna uu kula shirsanaa deegaanka Bohol, waxuuna shaaciyey in natiijo la’aan uu ku soo dhamaaday wadahadalkii uu maalmahaas kula jiray Ahlu-Sunna.

Jeneraal Laba-Afle waxuu sheegay in isaga iyo saraakiishii la socotay ay soo wakiilatay dowladda dhexe ee Soomaaliya, sidoo kalena ay la tashadeen Madaxweynaha Galmudug, si loogu kala dab-qaado Ahlu-Sunna iyo Galmudug, sidaasna ay ku tageen deegaanka Bohol oo fariisin u ah Ahlu-Sunna, balse waxaba ay ka dhaadhi waayeen kooxda, isagoo sheegay inay kala kulmeen damac aan xiligaan suurta-gal ka aheyn Galmudug.

Safarka Ra’iisul wasaaraha oo ku soo aaday maalin kadib hadalkaas ka soo yeeray Jeneraal Aadan Laba-Afle ayaa dadka reer Galmudug geliyey rajo ah in wax un waan-waan ah uu ka dhex bilaabi doono Ahlu-Sunna iyo Galmudug, balse wasiir ku xigeenka warfaafinta Cabdiraxmaan Al-Cadaala oo qeyb ka ah wafdiga Rooble ayaa la hadlay warbaahinta dowladda, waxuuna meesha ka saaray rajadaas.

Hoos ka dhageyso wareysiga Al-Cadaala