Qaraxyo xoogan oo ka dhacay Kampala + Khasaaraha

Kampala (Caasimada Online) – Wararka laga helayo dalka Uganda ayaa sheegaya in saaka laba qarax oo is xig xigay ay ka dhaceen bartamaha magaalada Kampala ee caasimada dalkaasi, kuwaas oo geystay khasaare dhimasho, dhaawac iyo burbur.

Qaraxyada oo ahaa kuwa xoogan ayaa gilgilay qeybo ka mid ah magaalada, waxaana sidoo kale ka dhashay dab qabsaday goobaha ay qaraxyadu ka dhaceen & gaadiid ka agdhowaa.

Wararka ayaa sheegaya in qaraxa koowaad lagu bartilmaameedsaday xarun weyn oo laga dukaameesto, una dhu dhow saldhigga ciidamada Booliska, halka midka kalena uu ka dhacay waddo ku dhow xarunta baarlamaanka ee dalka Uganda.

Inta la xaqiijiyey waxa qaraxyadan ku dhintay ugu yaraan illaa laba qof, halka ay ku dhaawacmen tiro kale, waxaana haatan socda baaritaano ay wadaan Booliska.

Ciidamada ayaa sidoo kale xiray dhaq-dhaqaaqa meesha ay qaraxyadu ka dhaceen, si loo hubiyo xaaladda guud ee goobahaasi.

Xaaladda ayaa weli aad u cakiran, waxaana haatan dowladda ay ku mashquulsan tahay u gurmashada dadka ay waxyeeladu soo gaartay.

Uganda ayaa muddooyinkii dambe wajaheysay weeraro ka dhacayey Kampala, waxaana horey u sheegatay qaraxyadii ka dhacday dalkaasi Daacish oo weeraro ka fulisa caalamka.