Xasan oo shaaciyey arrinta ugu horreysa ee haddii dib loo doorto uu ku dhaqaaqayo

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka hadlay arrinta dhalinyaradii tababarka loo geeyey dalka Eritrea isagoo balan qaaday in hadii mar kale uu noqdo madaxweynaha Soomaaliya uu dalka dib ugu soo celi doono dhalinyaradaas, sidoo kale waxuu fariin u diray waalidiinta ay wiilashu ka maqan yihiin.

Xasan Sheekh ayaa arrinta dhalinyaradaas aad ugu eedeeyey madaxweynaha waqtigu ka dhamaaday Farmaajo, isagoo tilmaamay in mudadii uu xukunka hayey uu Farmaajo ku guul dareystay in dadka Soomaaliyeed uu la wadaago mar-xaladaha jira.

Sidoo kale waxa uu sheegay inay jiraan odayaal, xildhibaano iyo dhinacyo kale oo ku lug lahaa dhoofinta dhalinyaradaas, kuwaas oo ka gaabsaday markii la waayey dhalinyaradii meel ay jaan iyo cirib dhigeen.

“Baaris iyo dabagal ayan ku heynaa odayaashii iyo xildhibaanada damiintay, mar dhow waan cadeyneynaa dadka Soomaaliyeed ayaana soo hor dhigeynaa,” ayuu yiri Madaxweynihii hore.

Xasan Sheekh ayaa odayaasha qabaa’ilada iyo xildhibaanadii damiinta dhalinyaradaas waxa uu kula taliyey inay hadlaan oo cadeeyaan inta qof ee uu damiintay iyo cidda uu ku wareejiyey.

Sidoo kale Xasan Sheekh ayaa waalidiinta ay dhalinyaradu ka maqan tahay waxuu kula taliyey in codkooda ay muujiyaan oo banaanka u soo baxaan.

“Waalidiinta waxaan kula talinayaa nabadoonadii ilmihiina damiintay weydiiya, ku qasba inuu hadlo oo sheego cidda uu ku wareejiyey wiilkiina, dacwo geeya maxkamadaha, wadooyinkana tubnaada ilaa wiilashiinii laga helo,” ayuu yiri Xasan Sheekh.

Madaxweynihii hore Xasan Sheekh Maxamuud oo wareysigaan siiyey TV-ga Goobjoog ayaa intaas ku sii daray, “Hadii aan ku guulaysto hoggaanka dalka, waxaa kow ii ah soo celinta dhallinyarada loo qaaday dalka Eritrea, maalinta aan xafiiska tago ayaan balan qaadayaa in aan ka howlgalo oo si joogto ah xogtooda ugu soo gudbiyo umadda Soomaaliyeed.”

Hoos ka daawo