Xiisada Wasaarada gargaarka oo ka dartay iyo wasiir ku-xigeenka oo tallaabo qaaday

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiir ku xigeenka wasaaradda gargaarka iyo maareynta musiibooyinka xukuumadda Soomaaliya, Mudane Cabdirashiid Maxamuud Xasan ayaa war cusub kasoo saaray xiisadda ka taagan mas’uuliyiinta iyo shaqaalaha wasaaraddaasi.

Cabdirashiid ayaa marka hore xaqiijiyey inay jirto cabashada 16 shaqaale oo dhowaan la ceyriyey shaqada, wuxuuna tilmaamay in tallaabadaas ay baalmarsan tahay sharciga.

Wasiir ku xieenka ayaa sidoo kale ku wargeliyey 16-ka shaqaale ee eedeynta u jeediyey wasiir Khadiijo Maxamed Diiriye inay sii wataan shaqadooda, inta ay ka helayaan cadaalad.

“Waxaa la ogeysiinayaa shaqaalaha cabashada soo gudbiyey inay shaqadooda sii wataan, inta ay ka helayaa cadaalad,” ayaa lagu yiri qoraal uu soo saaray wasiir ku xigeenka.

Sidoo kale wuxuu intaasi sii raaciyey “Ma dhaceyso in xilligan kala guurka ah xuquuqda muwaadiniinta lagu xad-gubdo, iyada oo laga faa’iideysanayo xaaladda doorashada,”.

Ugu dambeyn wuxuu hoosta ka xariiqay in arrintan uu la wadaagay xafiisyada ay quseyso, sida ra’iisul wasaaraha dalka, si loo qaado tallaabo sharci ah.

‘Natiijada baaritaanka iyo lifaaqyada la socda waxaan la wadaagay xafiisyada ay quseyso si loo qaado talaabada sharci ee ku haboon qof kastaa oo tacaddigaas iyo falkaas guracan ku lugta leh,” ayuu markale qoraalkiisa ku yiri wasiir ku xigeenka wasaarada gargaarka dalka.

Qoraalkan ayaa uga sii daraya khilaafka haatan ka taagan wasaaradda gargaarka, waxaana horey u jirtay 13 agaasime oo ka tirsan isla wasaaradda ay beeniyeen warqad baraha bulshada la isla dhex marayay oo sheegeysa in shaqada laga tiray shaqaale ka tirsan wasaaraddaas, iyaga oo sheegay in warqaddaas ay tahay mid sharci darro ah.

Ma’aha khilaafkii ugu horreeyey ee soo kala dhex-galay wasiir Khadiijo iyo qeybaha kale ee wasaaradda, waxaana marar badan arrimahan soo fara-geliyey ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya oo haatan markale la gaarsiiyey muranka hareeyey wasaaradda.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii