Xog: R/W Rooble oo aqbalay qodob ka mid ah soo-jeedintii Midowga Musharaxiinta

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa aqbalay soo-jeedintii Midowga Musharaxiinta Soomaaliya ee aheyd in la isugu yimaado shir ku saabsan doorashooyinka dalka, sida ay ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay u sheegeen Caasimada Online.

Qoraal kasoo baxay Midowga 9-kii December ayaa lagu yiri “Golaha wuxuu soo jeedinayaa in la hakiyo doorashada oo la isugu yimaado shir wadatashi ah, si loo joojiyo boobka, lana xalliyo tabashooyinka laga qabo sida ay ku billawdeen doorashooyinka Golaha Shacabka, lana saxo habraaca iyo habdhaqanka doorashada lagu wado.”

Sida aan xogta ku helnay Rooble ayaa aqbalay shirkaas, si ugu yaraan loo moojiyo in Golaha Wadatashiga Qaran, oo ay ku mideysan yihiin Rooble iyo Madax Goboleedyada, ay doonayaan in la xaliyo tabashooyinka jira.

Si kastaba, shirkan ayaa waxaa diidan qaar ka mid ah madax goboleedyada, gaar ahaan Axmed Qoor Qoor iyo Cabdicasiis Lafta-gareen, oo si aad ah ugu xiran madaxtooyada Soomaaliya.

Labadan madaxweyne goboleed, oo ah kuwa maamulladooda ay yihiin kuwa illaa hadda qabta doorashooyinka kuraas ka mid ah Golaha Shacabka, fadeexad culusna kala kulmay sida ay musuqeen, ayaa isku mashquulinaya safaro dibedda ah oo aan macno laheyn, waxayna sheegeen inaysan diyaar u aheyn shir Xamar ka dhaca.

Qoor Qoor iyo Lafta-gareen ayaa si wanaagsan u wada qorshaha Villa Somalia ee ah in doorashadu noqoto mid loogu shubo madaxweyne Farmaajo ama khilaafka iyo muranka uu sii daba dheeraado, taasi oo muddo kordhin u ah madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday.

Dhinaca kale, madaxweynayaasha kala ah Axmed Madoobe, Cali Guudlaawe iyo Saciid Deni ayaa aqbalay shirkan, inkasta oo ayagana ay diidan yihiin qaar ka mid ah qodobada iyo shuruudaha kale ee Midowga Musharaxiinta.

Ma cadda sida ay xaaladda ku dambeyn doonto, hase yeeshee waxaa muuqata in Soomaaliya aysan marnaba ka dhici doonin doorasho daah-furan, waxaana furan kaliya laba ikhtiyaar oo kala ah; in sidan doorashada lagu aqbalo iyo in dalka uu galo dagaal.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii