Xildhibaano lagu dhaawacay qarax ay fulisay Al-Shabaab

Jowhar (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay qarax maanta ka dhacay qeybo ka mid ah magaalada Jowhar ee caasimada dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee HirShabelle, kaas oo geystay khasaare kala duwan.

Qaraxa oo ahaa miino, oo ay sheegteen Al-Shabaab, ayaa waxaa lagu soo warramayaa inuu ka dhacay goob maqaaxi ah oo ku taalla xaafadda Kulmis ee magaaladaasi, sida ay innoo xaqiijiyeen goobjoogayaal.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in qaraxaas ay ku dhaawacmeen xildhibaano ka tirsan baarlamaanka HirShabelle, waxaana ka mid ah xubnahaas Cumar Maxamed Cumar iyo Yuusuf C/qaadir Karaani, kuwaas oo dhaawacyadooda loola cararay isbitaalka magaalada.

Sidoo kale waxaa la xaqiijiyey in qaraxaas uu ku dhintay nabadoon magaciisa lagu soo koobay Coosey oo ka mid ahaa waxgaradka deegaanka.

Xaaladda goobta ayaa weli kacsan, waxaana gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka oo isku geedaamay meesha uu weerarka qaraxa ah ka dhacay.

Illaa iyo hadda ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay dhinaca saraakiisha laamaha ammaanka oo ku aadan qaraxaas, waxaana weli socda baaritaano dheeraad ah.

Jowhar ayaa waxaa muddooyinkii  dambe ka dhacayey weeraro kala duwan oo qaarkood horay loogu beesaday xildhibaano ka tirsan HirShabelle oo dhaawacyo ay kasoo gaareen.

Si kastaba, magaaladan ayaa ka mid ah goobaha loo qorsheeyey inay ka dhacaan doorashooyinka dalka, gaar ahaan mida Golaha Shacabka ee Soomaaliya.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii