Xog: Mareykanka oo soo faro-geliyey xiisadda PSF iyo Saciid Deni oo amar la siiyey

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Mareykanka ayaa soo faro-gelisay xiisadda ka dhex-oogan maamulka madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni ee Puntland iyo agaasimihii hore ee ciidamada PSF Maxamuud Cusmaan Cabdullaahi Diyaano, sida ay ogaatay Caasimada Online.

Ciidamada PSF ayaa waxaa tababara Mareykanka, si ay ula dagaalamaan argagixisada, taasi oo ka dhigan in Mareykanka ay aad u daneynayaan arrintan, kuna qasbanaadeen inay soo faro-geliyaan.

Sida aan xogta ku helnay, safaaradda Mareykanka ee Muqdisho ayaa ka walaacsan in xiisaddan ay horseedi karto dagaal ka qarxa magaalada Boosaaso, taasi oo weecin karta dagaalkii lagula jiray kooxaha argagixisada.

Diblomaasi sare oo Mareykan ah oo Muqdisho ku sugan ayaa sheegay in sii-hayaha safaaradda Mareykanka ee Muqdisho Colleen Crenwelge ay labo jeer la hadashay madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, iyadoo ku amartay inuu xal aan xabbad aheyn u helo xiisaddan.

“Guud ahaan waxaan ku boorrinaynaa in ciidamada nooc kasta oo ka mid ah Soomaaliya ay ka waantoobaan ku lug lahaanshaha siyaasadda. Waxaan ku boorrineynaa dhammaan ciidamada ammaanka inay diiradda saaraan la dagaallanka ururada xagjirka ah ee rabshadaha sida al-Shabaab iyo Daacish-Soomaaliya,” ayuu yiri diblomaasiga Mareykanka ah.

Dhinaca kale, wada-hadallo u socda maamulka madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni iyo agaasimihii hore ee ciidamada PSF Maxamuud Cusmaan Cabdullaahi Diyaano ayaa meel wanaagsan maraya, waxaana laga rajo qabaa in heshiis lagu gaaro.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, wada-hadalladan oo maalmihii tegay ka socday Boosaaso, ayaa la isku fahmay qaar ka mid ah qodobada aadka la isugu hayey. 

Xogta aan helnay ayaa sheegeysa in qodobada horumarada wanaagsan laga sameeyay ay ka mid yihiin wareejinta dhulka hay’adda iyo xil-wareejin rasmi ah oo uu sameeyo hogaankii hore ee hay’adda. Dhulka hadda xarunta u ah hay’adda waxaa iska leh qoyska Diyaano.

Taa beddelkeeda dowladda ayaa ogolaatay in qaar ka mid ah hubka iyo gaadiidka dowladda oo kooban loo dhaafo Diyaano, si uu ugu adeegsado amnigiisa shaqsiga ah. 

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii