Hoggaamiyaha uu Farmaajo ‘kaga daydo’ hab xunkunka

Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ku eedeyay in uu hogaanka xukunka iyo kali-talisnimada kaga deydo madaxweynaha Eritrea Isaias Afwerki.

Qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook ayuu ku sheegay in aysan sahlaneyn in kali-talisnimada Afwerki loo soo minguuriyo Soomaaliya, oo hore ugu duntay xukun jeceylka, ayna sahlaneyn in dalka dib loogu celiyo sidii 30 sano ka hor.

Waxa uu ku baaqay in si adag looga hortago rabitaanka guracan ee madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday, islamarkaana dalka laga samatabixiyo halka uu ku wado, sida uu sheegay.

Hoos ka aqriso qoraalka Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo dhameystiran:

Dal aysan 30 sanno doorasho ka dhicin, xukunkana hal nin gacantii ku jiro, dastuur iyo Baarlamaan toona lahayn, shirkadaha ganacsiga oo idilna ay dowladda leedahay, shatigana uu kaligii taliyaha bixinayo, lana siinayo inta uu isagu raalliga ka yahay iyo inta eex lagu naas nuujinayo, ruuxii qaangaar ah waxaa qasab ku ah in uu tabbar ciidan qaato.

Mucaaradna ma jiro, waa mid la dilay, la xabisay, kii baxsadayna ubbadkiisa iyo ehelkiisa laga gooyo. Muwaaddinku haddii uu safrayo waa inuu oggolaasho Dowladda ka helaa. Dalkaasi waa Eritrea, Soomaaliyana xukun sidaa u eg ayey 21 sano soo martay.

Farmaajo iyo raggiisa odayga Eritrea ayey tufta xukunka ka soo qaataan, maadaama dawladii duntay ay sidaa u ekaydna, xukunkii odaygii hore hilow baa u haya.

Laakiin ma sahlana in Soomaaliyada maanta loo celiyo sidii ay 30 sano ka hor ahayd, balse isku dayga iyo iska caabbinta ayaa qiimo culus ugu kacaya dalka iyo dadkaba.

Si taas loo yareeyo waa in halistaa aragti mid ah laga yeesho, la isla garto dhagarta rajiimka iyo kuwa gadaal ka taagan, damaca dib loo liqo, lana helo midnimo lagu wajaho marxaladda adag ee nagu soo socota.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii