Midowga Musharaxiinta oo arrin xasaasi ah dalbaday kadib tallaabadii ROOBLE

Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha Midowga Musharraxiinta Soomaaliya ayaa soo dhoweeyey go’aankii uu ra’iisul wasaare Rooble toddoba xubnood uga eryey guddiga xalinta khilaafaadka doorashooyinka, waxayna dalbadeen tallaabooyin kale.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa xubnaha uu eryey ku eedeeyey inay lumiyeen kalsoonidii lagu qabay, islamarkaana ay ku milmeen dhinacyada siyaasadda ee ku loolamayo doorashada Soomaaliya.

“Golaha Midowga Musharraxiinta wuxuu soo dhaweynayaa tallaabada uu xilka kaga qaaday Ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble xubno ka tirsan Guddiga Xallinta Khilaafaadka si loo xaqiijiyo hufnaanta doorashooyinka, loogana hortago ku xadgudubka xuquuqda muwaadinka, islamarkaana laga fogaado wax kasta oo dhaawici kara hufnaanta doorashada, keeni karana cadaalad darro,” ayaa lagu yiri qoraal ay soo saareen golaha.

Golaha ayaa dalbaday in lagu laabto go’aanadii ay horey u gaareen guddiga xalinta khilaafaadka. 

“Isbedelka lagu sameeyay Guddiga Xallinta Khilaafaadka wuxuu horudhac u yahay soo celinta kalsoonida shacabka, waana in dib looga laabto go’aannadii guddiga ay hore u gaareen,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka.

“Goluhu wuxuu ku dhiirri gelinaayaa Ra’iisul Wasaaraha inuu waddo kasta oo sharci ah u maro suulinta caqabadaha dhiman ee weli ku horgudban doorashooyinka Golaha Shacabka, si ay dalka uga dhacdo doorasho hufnaan iyo daahfurnaan leh, maadaama isaga loo igmaday taabbagelinta doorashooyinka dalka.”

Midowga Musharaxiinta ayaa sheegay inay garab istaagayaan tillaabo kasta oo lagu saxayo geedi-socodka doorashada, si loo helo doorasho natiijadeeda lagu kalsoonaan karo, dalkana ka samatabixisa qalalaase siyaasadeed iyo mid amni.

Toddobada xubnood ee la eryey ayaa ka ah:

1. Xuseen Laki Maxamed Maxamuud
2. Axmed Saciid Samatar
3. Maxamed Faarax Xersi
4. Nimco Axmed Cabdi
5. Cali Maxamuud Faarax (Seeko)
6. Cabdiramaan Maxamed Cali
7. Maxamed Ciise Heybe

Xog ay heshay Caasimada Online ayaa sheegeysa in xubnaha la eryey ay ku milmeen oo ay qeyb ka noqdeen ololaha doorashada madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.