Wararkii ugu dambeeyey dagaalka Ethiopia iyo laba magaalo oo muhiim ah oo maanta u gacan galay…

Addis Ababa (Caasimada Online) – Dowladda Itoobiya ayaa sheegtay in ciidamadeeda ay maanta dib ula wareegeen magaalooyin badan oo ka tirsan gobolka Axmaarada oo ay gacanta ku hayeen fallaagada Tigray-ga.

Wasiirka Isgaarsiinta Legesse Tulu ayaa u sheegay warbaahinta sabtidii in magaalooyinka Woldiya iyo Kobo oo ah kuwa istaraatiijiyad leh dib loo qabsaday markii ugu horeysay tan iyo xagaagii.

Ciidamada Tigray-ga ayaan wax jawaab ah ka bixin sheegashadaas balse waxa ay horay u sheegeen in ay samaynayaan isbedelo xeeladaysan.

Warkan maanta kasoo baxay dowladda Ethiopia ayaa ka dhigan isbeddel kale oo lama filaan ah oo ku yimid dagaalka ka socda Ethiopia, oo toddobaadyadii tegay u muuqday mid ay dowladda guulo ka gaareyso kadib bilooyin aad loo jebiyey.

Si madax banaan looma xaqiijin sheegashadii ugu dambeysay. Balse, waxay u muuqataa in dowladda ay dib ula wareegtay magaalooyinka waaweyn ee dhanka dhulka Axmaarada ah marka laga reebo magaalada taariikhiga ah ee Lalibela, oo ay fallaagada dib ula wareegeen toddobaad ka dib markii ay dawladdu gacanta ku dhigtay horaantii bishan.

Ciidamada Tigray-ga Ethiopia ayaa 12-kii December dib u qabsaday magaalada waqooyi ee Lalibela, oo ay hay’adda UNESCO u aqoonsan tahay dhaxal adduun, sida ay sheegeen dadka deegaanka.

Qabsashada Tigrayga ayaa timid 11 maalmood kadib markii ciidamada federaalka Ethiopia ay sheegeen inay dib ula wareegeen magaalada.

Lalibela oo 645 km u jirta caasimadda Addis Ababa ayaa xarun u ah 11 kaniisad oo qadiimi ah, waana goob ay u cibaado tagaan Kirishtanka Ethiopia.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii