Maxay tahay sababta ay Sacuudiga u mamnuuceen JAMEECADA TABLIIQA?

Riyadh (Caasimada Online) – Sacuudi Carabiya ayaa dalkeeda ka mamnuucday Jameecada Tabliiqa, ayada oo ugu yeertay “inay halis ku yihiin bulshada,” ayna yihiin “mid ka mid ah albaabada laga galo argagixisanimada.”

Wasaaradda Arrimaha Diinta Sacuudiga ayaa ugu baaqday Masaajidda dalkaas inay khudbadda Salaadda Jimcaha uga digaan wax ay ugu yeertay “marin-habaabinta, leexinta iyo halista” kooxdan. 

Waxa sidoo kale culimada Masaajidda amartay inay shacabka u sheegeen in Jameecada Tabliiqa ay tahay “mid ka mid ah albaabaha laga galo argagixisanimada xittaa haddii ay sheegtaan wax taas ka duwan,” sida lagu xusay qoraalka.

“Sidoo kale, khudbadaha waa in lagu xusaa ‘khaladaadka ugu weyn ee kooxda ay galeen’ iyo ‘inay halis ku yihiin bulshada’,” ayaa lagu yiri qoraalka Wasaaradda.

Wasaaradda Arrimaha Diinta ayaa sheegtay in kooxdan iyo kooxo kasta oo ku xiran ay hadda kadib mamnuuc ka yihiin Boqortooyada Sacuudi Carabiya.

Yey yihiin Jameecada Tabliiqa?

Jameecada Tabliiqa ayaa ah bulsho faafisa diinta Islaamka, oo dad ku wacdisa inay diiradda saaraan iimaankooda iyo ku dhaqanka wanaagsan ee diinta, kana leexdaan dambiyada iyo dhaqamada xun.

Waxay ka howl-gashaa in ka badan 150 dal oo dunida ah oo ay ugu weyn yihiin India iyo Pakistan, ayada oo sidoo kale si weyn uga howlgasha Soomaaliya. Waxaa la rumeysan yahay inay ku xiran yihiin dad u dhaxeeya 350 illaa 600 oo milyan.

Jameecada Tabliiqa ayaa waxaa 1926-kii dalka India, gaar ahaan gobolka Mewat, ku aas-aasay Sufi Muhammad Ilyas al-Kandhlawi, isaga oo ka jawaabaya dhaqanka bulshadiisa oo uu dareemay inuu sii xumaanayey oo ay lumiyeen qiyamkoodii.

Jameecada Tabliiqa waxay si xooggan isaga ilaaliyaan ugana fogaadaan inay siyaasadda ku lug yeeshaan, waxayna diiradda saaraan kaliya faafinta diinta.

Dowladda Mareykanka ayaa wixii ka dambeeyey weeraradii 11-kii September 2001 billowday inay il-gaar ah ku eegto kooxdan, hase yeeshee waa ay weysay wax xiriir oo toos ah oo ay la leedahay argagixisada. Si kastaba, Mareykanka ayaa sheegay in ururada argagixiso ay qorteen xubno ka mid ah kooxdan. 

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii