Xasan oo jawaab ka bixiyey tallaabadii uu qaaday Rooble

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ahna xubin ka tirsan Golaha Midowga Musharaxiinta ayaa soo dhoweeyey go’aanka uu Ra’iisul Wasaare Rooble ku eryey toddoba xubnood oo ka tirsan Guddiga Xallinta Khilaafaadka Doorashada.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa xubnaha uu eryey ku eedeeyey inay lumiyeen kalsoonidii lagu qabay, islamarkaana ay ku milmeen dhinacyada siyaasadda ee ku loolamayo doorashada Soomaaliya.

“Waxaan bogaadinayaa dadaallada Ra’iisul Wasaaraha uu ku xaqiijinayo qabsoomidda doorasho xor iyo xalaal ah. Wax ka bedelka xubnaha Guddiga Khilaafaadka waa tallaabo kale oo loo qaaday sixitaanka khaladaadka khalkhalka geliyay doorashada. Guddiyadu waa in ay u hoggaansamaan habraacyada lagu heshiiyay,” ayuu yiri Xasan Sheekh.

“Waxaan ku boorinayaa Ra’iisul Wasaaraha in uu wax ka qabto qodobada kale ee toosinta u baahan isagoo la kaashanayo dhinacyada ay quseyso.”

Xubnaha shaqada laga joojiyay oo gaaraya illa iyo 7 xubnood ayaa waxaa kamid ah guddoomiyaha guddiga xalinta khilaafaadka ee arrimaha doorashooyinka Xuseen Maxamed Maxamuud Laki.

Toddobada xubnood ee la eryey ayaa ka ah: 

1. Xuseen Laki Maxamed Maxamuud
2. Axmed Saciid Samatar
3. Maxamed Faarax Xersi
4. Nimco Axmed Cabdi
5. Cali Maxamuud Faarax (Seeko)
6. Cabdiramaan Maxamed Cali
7. Maxamed Ciise Heybe

Waxaana lagu beddelay toddobadan kale:

1. Ismaaciil Maxamed Axmed
2. Fardowsa Mataan Buulle
3. Ayaanle Axmed Cabdulle
4. Bashiir Axmed Yusuf
5. Xasan Axmed Dhicisow
6. Axmed Barre Maxamed
7. Maxamed Cawil Warsame

Xog ay heshay Caasimada Online ayaa sheegeysa in xubnaha la eryey ay ku milmeen oo ay qeyb ka noqdeen ololaha doorashada madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii