XOG: Shanta kursi ee uu Farmaajo u diray Lafta-gareen inuu kasoo fujiyo A/Madoobe

Kismaayo (Caasimada Online) – Hogaamiyaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Lafta Gareen ayaa dhowr Maalmood ku sugnaa Magaalada Kismaayo. Socdaalka Laftagareen ayaa ku qotomay Kuraas la rabo inuu Axmed Madoobe kasoo fujiyo kaasi oo ay dhinaca Koofur Galbeed kuraas ka jiraan.

Illaa Shan Kursi ayaa la xaqiijiyey inuu Laftagareen ka doonay Magaalada Kismaayo. Lafta Gareen maahan musharax madaxweyne ee Kuraasta waxaa raba madaxweyne Farmaajo, wuxuuse Lafta Gareen dooda u dhigay inuu isagu rabo kuraastaas.

Axmed Madoobe wuxuu rabaa inuu dhiso Saciid Cabdullaahi Deni, haddana wuxuu kuraas taala Magaalada Kismaayo kala doodayaa Laftagareen oo dhisaya Farmaajo, waxayna caqlidayaan noqotay mid yaab leh.

Si kasta, Kuraasta uu rabo inuu ka fujiyo Axmed Madoobe waa shan Kursi, qaarkood waxaa la leeyahay waa adkaan doontaa inuu Axmed Madoobe aqbalo ka doodistooda.

Sheekadaan waxaan ku sharaxeynaa Shantaas Kursi.

1 – HOP#126: Waxaa ku fadhiya Xildhibaan Maxamed Xasan Idiris oo loo yaqaano Maxamed Ganey, wuxuu kamid ahaa xubnihii sida weyn u mucaaradsanaa madaxweyne Farmaajo Afartii Sano ee lasoo dhaafay. Ninkaan iyo Xasan Firinbi waxay waqti dheer u taagnaayeen qadiyadda Jubaland ee heer Federaal iyagoo la safnaa Axmed Madoobe.

Kursigaan wuxuu rabaa Laftagareen in la siiyo nin la yiraahdo Xasan Eelaay oo dhowr jeer wasiir ka noqday Koonfur  Galbeed. Beel ahaan labada Nin waa is leeyihiin, laakiin doodda waxay tahay muxuu Axmed Madoobe ka faa’idi doonaa codkaas oo lasoo ogyahay in shaqadiisa loo hayo madaxweyne Farmaajo.

Illo ka tirsan madaxtooyada Jubaland oo aan la hadalnay waxay sheegeen inuu Axmed Madoobe fahamsan yahay qadiyada uu Laftagareen u raadinayo inuu bixiyo Maxamed Ganey. Kursigaan wuxuu ku jiraa Kuraasta lagu tijaabinayo Axmed Madoobe inuu xajisan doono siyaasiyiinta dhallinyarada ah ee la iibsan waayey afartii sano ee lasoo dhaafay.

Haddii uu Laftagareen ku guuleysto inuu Kusigaan siiyo Xasan Eelay codkaas waxaa qaatay Madaxweyne Farmaajo.

2 – HOP#130# Waxaa Afartii Sano ee lasoo dhaafay ku fadhiyey Xildhibaan Maxamed Diiriye Khaliif oo ahaa wasiir ku xigeenkii Ganacsiga xukuumadii Xasan Cali Kheyre. Ninkaan ayaa horey shaqo joojin loogu sameeyey xilli ay soo baxeen arrimo la xiriira rag lagu qabtay Garoonka Aadan Cadde oo lagu eedeeyey inay dhaqayeen lacagta Dollarka ah.

Wuxuu rabaa in Ninkaan oo aad Farmaajo u taageersan in kursigiisa loo dhaafo, waa arrin kale oo culus oo aan la aqoon sida uu Axmed Madoobe u qaadan doono

3- HOP#133: Waxaa ku fadhisa Xildhibaan Luul Cabdi Aadan oo si aan qarsooneyn u taageereysay Labadii Sano ee muddo kororsiga aheyd ee uu Farmaajo sameystay, sidoo kalana si weyn u weerartay xildhibaanada mucaaradka oo qaarkood ay xatooyo ku eedeysay iyadoo saxaafadda la hadleysay.

Laftagareen wuxuu rabaa inu kursigaan sidiisa loo dhaafo oo ay kusoo baxdo xildhibaanadaan sida weyn u taageersan madaxweyne Farmaajo. Inuu Axmed Madoobe aqbali doono inuu codkaasna Farmaajo u hadiyadeeyo lama yaqaano.

4 – HOP#124: Waxaa jira kursi kale oo madaxda maamul Goboleedyada Farmaajo taageersan si weyn ugu ololeenayaa oo ay Axmed Madoobe mar walba kala hadlaan waa kursiga HOPP#124, waxaa ku fadhiya Cabdiraxmaan Dheere oo Jubaland iyo reerkiisaba ay si weyn u diidan yihiin.

Fahad Yaasiin ayaa ku cadaadinaya madaxda maamulada ee saaxiibadiis ah in kursiga Cabdiraxmaan Dheere kasoo fujiyaan Axmed Madoobe ama haddii uu ninkaas diidan yahay inay kala hadlaan qof kale oo ay wataan.

Laakiin Axmed Madoobe meel adag ayuu ka taagan yahay kiiska Cabdiraxmaan Dheere waxaana loo badinayaa inuusan ka aqbali doonin Laftagareen in la furo dooda kursigaas.

5 – HOP#91: Kursigaan hadda ma yaalo Magaalada Kismaayo, wuxuu yaalaa Garbahaarey, laakiin Laftagareen iyo madaxda maamulada qaar ayaa aamisan in Kuraasta taala Garbahaarey in ugu dambeyn loosoo wareejin doono Kismaayo.

Laftagareen wuxuu rabaa kursigaan oo uu ku fadhiyo Xildhibaan Aadan Xisaaq in la siiyo Nin la yiraahdo Xuseen Kacaan oo la taliyayaashiisa kamid ah waa haddii Kuraasta Garbahaarey taalo loo soo wareejiyo Kismaayo ama uu Axmed Madoobe talo ku yeesho kuraastaas.

Hoggaamiyaha Jubbaland Axmed Madoobe isaga waxaa muhiim u ah Hal Kursi oo yaala Koonfur Galbeed oo uu ku fadhiyo Xildhibaan Maxamed Jaamac Mursal Geelle, waana Kursiga HOPP#56.

Lama yaqaano sida uu Axmed u aqbali doono inuu Shantaas kursi siiyo Laftagareen oo uu isagana gacanta ka saaro Farmaajo, iyadoo laga dharagsan yahay halka ay kala joogaan Axmed Madoobe iyo Farmaajo iyadoo dhinaca kalana ay jirto inuu Axmed Madoobe dhisayo Saciid Cabdullaahi Deni.