Kuraasta la doonayo in lagu laabto ma ku jiraa kursiga loo xalaaleeyay Mahdi Guuleed?

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa weli magaalada Muqdisho ka socda shirka golaha Wadatashiga Qaran ee la rabo in lagu saxo cabashooyinkii kasoo laabtay doorashada Golaha Shacabka.

Goluhu wuxuu horay ula kulmay wakiilada Beesha Caalamka iyo xubno ka socday midowga musharixiinta mucaaradka. Waxaa si weyn loo dul istaagay qaladaadka xooggan ee ka dhashay maareynta qaar kamid ah kuraasta illaa hadda la doortay.

Mucaaradku waxay shirka la wadaageen cabashadooda iyagoo si gooni ah u dul istaagay ku laabashada kuraasta uu buuqa ka dhashay iyo in la saxo hab-raaca xulista ergada, gaar ahaan odayaasha xulaya ergada.

Qodobka ugu xasaasisan hadalkooda wuxuu ahaa kuraasta la boobay, la diiday ama la isku heystay. Mucaaradka waxay dalbadeen in la buriyo go’aamadii uu horey u gaaray guddigii musuqa lagu eedeeyey ee todobada xubnood laga eryey ee xalinta khilaafaadka.

Tan iyo markii ay bilaabatay doorashada Golaha Shacabka wuxuu guddiga xalinta khilaafaadka u fadhiistay dooda laba kursi.

Mid wuxuu ahaa kursiga HOPP#239. Kursigaan waxaa ka dhashay fadeexad doorasho iyo buuq dhinaca qabiilka ah. Ra’isul wasaare ku xigeenka xukuumadda xil-gaarsiinta ah Mahdi Guuleed ayaa kursigaan qaatay, wuxuu soo watay Gabar diiday in wajigeeda ay arkaan guddiga doorashada, dhab ahaanshaha magaceedana lagu mursan yahay oo si xoog leh isku qarisay.

Sidoo kale xagga xisaabta jufooyinka lama waafajin kursigaan ayuu Mahdi jufadiisa hoose u xoogay sida la xaqiijiyey. Waxaa la sheegay inay caawisay in xafiiska Ra’isul Wasaaraha uusan sharaxaad badan ka heysan hab xisaabeedka siyaasadeed ee reer waqooyiga.

Kursigaan wuxuu ahaa midkii koowaad ee dacwad laga gudbiyo. Maalmo kadib guddiga xalinta khilaafaadka waxay sheegeen in doorashada kursigaan ay sax tahay, balse dhinicii cabashada qabay kuma qancin natiijadaas, waxayna sheegeen in guddiga la handaday, qaarna ay dhaqaale ka qaateen musharaxa kale.

Xildhibaan Xuseen Carab Ciise ayaa horay ugu fadhi jiray kursigaan, wuxuuna hadda ku doodayaa in isaga iyo jufadiisaba la boobay.

Maadaama ay hadda jirto dood sheegeysa in dib loogu laabto Kuraasta la isku heysto lana buriyo dhammaan go’aanadii kasoo baxay guddiga xalinta khilaafaadka kursiga koowaad ee uu sharcigaasi qabanayo waxaa loo arkaa kursiga Ra’isul wasaare ku xigeenka Mahadi Guuleed.

Guddiga xalinta waxay kaloo soo fasaxeen kursiga HOPP#067 oo isna la sheegay in loo soo boobay taliyaha kumeel gaarka ah ee NISA Yaasiin Cabdullaahi Farey.

Galmudug waxay ku doodeysaa in kursigaan uu gudbay, maadaama uu guddiga xalinta fasaxay intii aan todobada xubnood laga eryin, balse xaaladda kursigaan waxay hadda isku xiran yihiin kursiga Ra’isulwasaare ku xigeenka.

Haddii la aqbalo in la buriyo dhammaan go’aamadii uu horey u gaaray guddiga xalinta khilaafaadka oo la aqbalo dalabka mucaaradka kursiyada HOPP#239 iyo HOPP#67 labadaba waxay wajahayaan ku laabasho.

Lama hubo in maamulladu ay wada aqbali doonaan in kuraastii la qabtay, gaar ahaan kuwii uu muranka ka dhashay dib loogu laabto, laakiin haddii la aqbalo waxaa lagu laaban doonaa kursiga uu Mahdi Guuleed qaatay ee HOPP#239.

Sidoo kale kursiga uu Yaasiin Farey qaatay ee HOPP#67 iyo kursiga laga xoogay guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari, kaas oo isagu ay soo diideen guddiga doorashada ee heer Federaal ayaa lagu laaba doonaa kolkaas.