Maamulka hawada SOMALIA ma waxaa lagu wareejiyey shirkad gaar loo leeyahay?

Muqdisho (Caasimada Online) – Xukuumadda Soomaaliya ayaa si adag u beenisay in uu jiro qorshe ay maamulka hawada sare ee Soomaaliya ugu wareejisay shirkad gaar ah, xilli ay arrintaas si weyn u soo shaac baxday.

Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Xuluumadda, Duraan Axmed Faarax ayaa sheegay in arrintaas ay tahay mid waxba kama jiraan ah, oo lagu marin habaabinayo bulshada Soomaaliyeed.

“Waxaan bulshada Soomaaliyeed u cadeynayaa inaysan waxba ka jirin in Wasaaradda Gaadiidka iyo duulista Hawada XFS ay maamulka hawada ku wareejisay shirkad gaar loo leeyahay,” ayuu yiri.

“Dowladda Soomaaliya ayaa maamusha hawada, waana been abuur wararka lagu faafiyay baraha bulshada ee la xariira wareejinta maamulka hawada dalka.”

Hadalka Wasiirka ayaa imanaya xilli ay Hay’adda duulista rayidka ah ee Soomaliyeed (Somali Civil Aviation Authority) ay qorsheynayso sare u qaadida adeegga hawada sare (Airspace Upgrade From Class G to A).

Sidoo kale ay soo baxayso in qorshaha sare u qaadida adeega hawada dib loogu soo nooleynayo qorshe fashilmay sanadkii 2017-kii, kaasi oo lagu rabay in hawada sare ee Soomaaliya lagu wareejiyo dowlado kale ama shirkado gaar ah.

Waxay arrintan keeneysa in qorshihi hore ee fashilmey dib loo soo cusbooneysiiyo, iyadoo lagu sababeynayo sare u qaadida adeega hawada sare, inkasta oo wasiir Duraan uu beeniyay in la wareejiyay maamulka oo keliya, oo uusan ka hadlin inay wareejinayaan.

Si kastaba, haddii ay dhacdo in xukuumadda Soomaaliya ay maamulka hawada ku wareejiso shirkad gaar ah, waxaa ka dhalan doonta in ICAO dib ula wareegto maamulka hawada Soomaaliya, taasi oo hore looga soo celiyey dabayaaqada sanadkii 2017.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii