Abaabul banaanbax oo ka socda Muqdisho + Ujeedka

Muqdisho (Caasimada Online) – Sida ay ogaatay Caasimada Online waxaa magaalada Muqdisho ka socda abaabulka banaanbax lagu taageerayo Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo.

Banaanbaxa waxaa abaabulaya xubno ka tirsan maamulka gobolka Banaadir, waxuuna ka socdaa degmooyinka kala duwan ee gobolka, iyadoo dadka si hoose loogu qancinayo inay kasoo qeyb galaan banaanbaxa.

Xogta aan heleyno waxay tilmaameysaa in Cali Yare Cali oo ku magacaaban guddoomiye ku-xigeenka dhanka amniga ee maamulka gobolka Banaadir uu si gaar ah gacanta ugu weyn ka geysanayo abaabulka banaanbaxa la doonayo in taageero loogu muujiyo Farmaajo.

Taageerada Farmaajo ka sokow, banaanbaxa ayaa sidoo kale la doonayaa in lagu cambaareeyo beesha caalamka, looguna sheego inay faraha kala baxdo arrimaha Soomaaliya. Waxaa dib loo soo nooleynayaa “Sheekadii shisheeye naceybka” ee uu Farmaajo kusoo galay siyaasadda Soomaaliya, balse been noqotay kadib markii uu ku xirtay Itoobiyaankii uu sanado badan weerari jiray kahor inta aan la dooran

Abaabulka banaan-baxaan ayaa ku soo aadaya iyadoo uu Muqdisho ka socdo shirka golaha Wadatashiga Qaranka ee Ra’iisul wasaare Rooble iyo madaxda shanta maamul goboleed ee dalka, waxaana miiska saaran hanaankii amniga qaranka looga wareeji lahaa Farmaajo.

Wixii ka dambeeyey markii uu fashilmay afgembigii la sheegay in Farmaajo u soo abaabulay Ra’iisul Wasaaraha, waxaa dhalatay dood xoog leh oo aan weli mira-dhalin, taas oo ah in Farmaajo laga wareejiyo awooda hoggaaminta amniga qaranka.

Madaxda dowlad gobioleedyada qaar ayaa diidan in Farmaajo laga wareejiyo masuuliyadda amniga dalka, halka Ra’iisul Wasaare Rooble iyo xubno ka tirsan xukuumadiisa ay u xusul-duubayaan, sidii amniga guud ee dalka loogu wareejin lahaa.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii