Al-Shabaab oo mar kale weerar culus ka fulisay Kenya

Nairobi (Caasimada Online) – Wararka laga helayo gudaha waddanka Kenya ayaa sheegaya in deegaano u dhow xadka Soomaaliya ay xubno ka tirsan kooxda Al-Shabaab ka fuliyeen weeraro kala duwan oo geystay khasaare isugu jiro dhimasho iyo dhaawac intaba.

Weerarka koowaad ayaa ka dhacay deegaanka Hindi oo ka tirsan gobolka Xeebta ee Lamu, waxaana lagu dilay ugu yaraan laba qof oo ka mid ahaa dadka deegaanka.

Sida ay sheegeen saraakiisha ammaanka Kenya weerarkaas ayaa dhacay xilli habeen ah, waxaana ragga fuliyey ay guryahooda ugu tegeen dadka la dilay.

Dadka deegaanka ayaa sidoo kale walaac ka muujiyey dhacdadaan oo ah tii labaad, waxaana ka horreeyey lix qof oo Isniintii lasoo dhaafay iyaguna la dilay halkaasi.

Dhinaca kale waxaa lagu soo warramayaa in weerar kale oo loo adeegsaday qarax lagu qaaday kolonyo ka tirsan ciidamada Kenya oo marayey deegaanka Dabaasiti oo hoostaga  magaalada Mandheera ee gobolka Waqooyi Bari, waxaana xigay dagaal foolka fool ah.

Ma cadda khasaaraha ka dhashay qaraxaasi miino iyo dagaalka xigay, mana jiro weli wax hadal ah oo ka soo baxay saraakiisha Kenya.

Muddooyinkii lasoo dhaafay dagaalyahanada kooxda Al-Shabaab ayaa xoojiyey weerarada ay ka fulinayaan gudaha Kenya, gaar ahaan deegaanada dhaca xadka Soomaaliya.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii