Beledweyne (Caasimada Online) – Waxaa weli ka taagan magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan xaalad murugsan oo ka dhalatay qaraxyadii xooganaa ee xalay gilgilay magaaladaasi, kuwaas oo ay ka dhalatay saameyn xoogan.
Khasaaraha ka dhashay weeraradaas ayaa saacadihii dambe isa-soo tarayay, sida uu xaqiijiyay maamulka HirShabelle waxaa ku geeriyooday 48 ruux, halka ay ku dhaawacmeen 108 ruux oo kale.
Goor sii horeysay Taliyaha qeybta Booliska gobolka Hiiraan, Isaaq Cabdi Cabdulle oo la hadlay warbaahinta dowladda ayaa sheegay inay sii kordheen khasaaraha ka dhashay weerarkaas.
Sidoo kale waxa uu sheegay inta illaa hadda ogyihiin in qaraxyadaas ay ku geeriyoodeen oo mas’uuliyiin ah ay kala yihiin; Xildhibaan Aamina Maxamed Cabdi iyo Xildhibaan hore Dhuxul.
“Dowlad federaalka iyo dowlad goboleedka HirShabelle waxaa ka rajeynayna inay dhaawacyadaas wixii daran ee lagu dabiibi karin halkan u qaadi lahaayen magaalada Muqdisho si gurmad loogu sameeyo.”
Taliye Isaaqa ayaa ugu baaqay shacabka reer Beledweyne iyo guud ahaan gobolka inay sugida amniga iyo xasiloonida kala qeyb qaatan ciidamada amniga, si aysan markale u dhicin mashaqo intaan ka badan.
Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weeraradan oo ku soo aaday, xilli ay doorasho ka socoto magaalada Beledweyne oo ah deegaan doorashada labaad ee HirShabelle.
Sidoo kale waxay sheegatay in qaraxyada ku dishay dhowr iyo toban qof oo isugu jira siyaasiyiin u sharraxnaa xildhibaanimo, mas’uuliyiin ka tirsan DF iyo kuwa HirShabelle, askar iyo shacab kale. Lama xaqiijin karo khasaaraha rasmiga ah
Sheegashada Al-Shabaab ayaa imaneysa ayada oo siyaasiyiin badan iyo shacab ay ku eedeeyeen Villa Somalia inay ka dambeysay dilka xildhibaan Aamina oo aheyd gabar aad ugu ololeysay inay cadaalad hesho Ikraan Tahliil.