Muxuu yahay HESHIISKA cusub ee ay kala saxiixdeen DF iyo QATAR? + Sawirro

Doha (Caasimada Online) – Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Soomaaliya Cabdiraxmaan Maxamed Cabdulle, oo ku sugan magaalada Dooxa ee Dalka Qadar oo uu kaga qayb galayo Shirka Madasha Dooxa, ayaa waxa uu Heshiis Is-afgarad ah (MoU) la galay dowladda Qatar.

Sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay wasaaradda, heshiiskan ayaa lagu xoojinayaa iskaashiga dhanka waxbarashada ee Dowladaha Soomaaliya iyo Qadar la saxiixday Hay’adda Qatar Fund.

Heshiiskan Is-afgaradka ah ayaa ah mid lagu taageerayo waxbarashada ubadka Soomaaliyeed kuwaas oo aan fursadda u helin in ay aadan dugsiyada, ayada oo sidoo kale kor loogu qaadayaa tayada waxbarashada dalka iyo la dagaallanka heerka jahliga ee bulshada Soomaaliyeed.

“Waxbarashada ubadka Soomaaliyeed waa mudnaanta koowaad ee dowladeenna. Heshiiskan Is-afagradka ah waa mid aan ku dardar gelinayno dadaalka aannu ku bixinayno in aannu ardayda Soomaaliyeed gaarsiinno waxbarasho tayo sare leh, sidoo kale na kaga fogaanayno in jiilal badan oo gaaray xilligii waxbarashadu ay seegaan dugsiyada,” ayuu yirii Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Waxbarashada.

Munaasabadda lagu saxiixayey Heshiiskan is-afgaradka ah, waxaa sidoo kale ka qayb galay, Danjiraha Dowladda Soomaaliya u jooga dalkan Qadar Cabdirisaaq Faarax Cali Taano, La Taliyaha Wasaaradda Waxbarashada Mudane Siciid Jaamac Guuleed iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sannadihii la soo dhaafay dadaal buuxa gelisay kor u qaadidda tayada Waxbarasha dalka,  iyada kor loo qaaday miisaaniyadda waxbarashada, lana diyaariyey manhaj waxbarasho oo ka kooban dugsiyada hoose, dhexe iyo sare, sidoo kale waxbarasho lacag la’aan ah ayaa loo fidiyey kumannaan da’yar Soomaaliyeed ah.