Wararkii ugu dambeeyey weerar lagu qaaday ciidanka AMISOM ee xero MASLAX

Muqdisho (Caasimada Online) – Xoogag ka tirsan Al-Shabaab ayaa xalay weerar gaadma ah ku qaaday ciidamada Uganda ee AMISOM ee deggan xerada Maslax oo ku taal xaafadda Suuqa Xoolaha ee degmada Heliwaa, waxaan weerarka xigay dagaal toos ah.

Wararka ayaa sheegaya in weerarka uu ku billowday qoriga garabka laga rido ee Zabanka oo lagu dhuftay iridka laga galo xerada waxaana kadib xigay iska hor imaad saacad socday.

Labada dhinac ayaa is weydaarsaday inta uu dagaalka socday hubka noocyadiisa kala duwan, kaas oo si weyn looga dareemay qaybo badan oo ka mid ah degmada Heliwaa.

Sidoo kale waxaa mar dambe dagaalka ku biiray ciidamada Booliska Haramcad ee fariisinka ku leh xaafadda Suuqa Xoolaha, taas oo keentay in dagaalka uu sii xoogeysto.

Ilo dadka deegaanka ah ayaa innoo sheegay inuu jiro khasaare kala duwan, balse aysan caddeyn ka rin inta uu gaarsiisan yahay.

Dagaalyahanadii weerarka qaaday oo dhabarjabin kala kulmay ciidamada Haramcad ayaa lagu soo warramayaa inay goobta isaga carareen, waxaana kadib howlgallo sameeyey ciidamada ammaanka iyo kuwa AMISOM ee lagu weeraray xerada Maslax.

Xaaladda ayaa deggan, waxaana weerarkan uu noqonayaa kii labaad oo todobaadyo gudahooda lagu qaado AMISOM, waxaana ka horreeyey kii lagu beesaday Xalane.

Si kastaba, weeraradan ayaa qayb ka noqonaya falal liddi ku ah amniga oo maalmihii lasoo dhaafay siyaabo kala duwan uga dhacayey Muqdisho, xilli lagu jiro marxalad doorasho.