Xog: Dood hareysay kulan uu qabtay Qoor Qoor oo dib u dhigtay musharaxnimadiisa

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor) ayaa xalay kulan isugu yeeray xildhibaanada baarlamaanka cusub ee laga soo doortay Galmudug.

Xog ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaya in Qoor Qoor uu kulanka ka lahaa laba ujeedo oo kala ahaa in wadatashi uu la qaato xildhibaanada cusub ee baarlamaanka iyo in uu ku dhawaaqo inuu yahay murashax u taagan xilka madaxweynaha Soomaaliya.

Kulanka ayaa si weyn looga hadlay xaalada amni xumo ee dalka ku sugan yahay xiligaan iyo sidii dalka looga saari lahaa xaaladadan adag ee kala guurka.

Xildhibaanada kulanka kasoo qeybgalay ayaa ku kala qeybsamay ajandaha xaaladda amniga iyo sidii looga saari lahaa dalka amni xumida jirta xilliga kala guurka.

Warku wuxuu intaa ku darayaa in markii xildhibaanada dhexdooda ay ku kala qeybsameen shirka, ay doodaas sababtay in Qoor Qoor uu dib u dhigo inuu ku dhawaaqo in uu yahay murashax u taagan xilka madaxweynaha Soomaaliya.

Dooda xildhibaanada iyo fikir kala duwanaanshahooda ayaa loo badinayaa in ay tahay inuu ka gaabsado Qoor Qoor qorshahii uu isugu yeeray xildhibaanada cusub, taas badalkeedna madaxweyne Qoor Qoor ayaa xildhibaannada cusub kula dardaarmay inay ka gudbaan tafaraaruqa dhexdooda taas badalkeedna inay muujiyaan isku duubni iyo go’aan mideysansi.