Xog: ROOBLE oo ku baaqay kulan JAWAAB u ah kii uu FARMAAJO qabtay shalay

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa kulan isugu yeeray taliyayaasha ciidamada amniga dalka, maalin kadib markii ay la kulmeen madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, sida ay ogaatay Caasimada Online.

Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Caasimada Online u sheegay in Rooble uu xalay farriin u diray dhammaan taliyayaasha uguna baaqay inay isugu yimaadaan kulan maanta ka dhacaya xafiiska.

Rooble ayaa marka hore qorshihiisu ahaa inuu la kulamo golaha wasiirada, hase yeeshee markii uu madaxweyne Farmaajo la kulmay taliyayaasha, ayuu Rooble beddelay qorshihiisa kana dhigay kulan golaha amniga qaranka ah, sida aan xogta ku helnay. 

Farmaajo oo shalay kulan la qaatay Guddoonka Gobolka Banaadir, Taliyeyaasha Ciidamada Xoogga Dalka, Booliska, Asluubta iyo Nabad Sugidda ayaa faray adkeynta amniga guud ee dalka iyo kan caasimadda.

Sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay Villa Somalia, Farmaajo ayaa ka dhageystay Talisyada Booliska iyo Nabad-sugidda Soomaaliyeed warbixinno ku saabsan baaritaannada hordhaca ah ee “falalkii argagixisanimo ee toddobaadkii tagay ka dhacay magaalooyinka Muqdisho iyo Baladweyne.”

Kadib kulankaas ayaa waxaa taageerayaasha Rooble ay niyadjab ka muujiyeen in awoodda amniga dalka uusan gacan ugu jirin oo taliyayaasha ay si buuxda ugu xiran yihiin ugana amar qaataan Farmaajo.

Rooble ayaa lagu eedeeyaa inuu siyaasad ahaan yahay nin aan aragti fog laheyn balse mar kasta go’aanadiisa ay ku saleysan yihiin falcelin.

Dadka siyaasadda taxliiliya ayaa rumeysan in Rooble ay aheyd inuu isugu yeero taliyayaasha ciidamada amniga, oo oo uu kala hadlo weerarkii garoonka Aadan Cadde iyo qaraxyadii Beledweyne iyo in amniga dalka la adkeeyo, balse aysan aheyn inuu taas kusoo baraarugo markii uu Farmaajo qaaday tallaabo noocaas ah.