NISA oo ka digtay qarax lala damacsan yahay shirkad ka howlgasha garoonka – Xog

Muqdisho (Caasimada Online) – Xog gaar ah oo ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaysa in kooxda Al-Shabaab ay qorsheysay in maalmaha soo socda ama 72 saac gudahood ah beegsato mid ka mid ah gaadiidka shirkadda gaarka loo leeyahay ee SAHAL ee garoonka diyaaraddaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho kasoo geysa kana soo qaada dadka safarka ah iyo kuwa imanaya. 

Xogta oo la helay shalay oo Sabti aheyd ayaa sheegaysa in Al-Shabaab ay diyaarisay qarax ismiidaamin ah balse xogta ma sheegeyso jinsiyada qofka fulinaya qaraxa inuu yahay rag ama dumar.

Qaraxa ayaa bartilmaameedkiisu yahay in lagu beegsado gaari ay leedahay Shirkadda SAHAL, kasoo daad gureeya shaqaalaha garoonka Aadan Cadde. Bartilmaameedka qaraxa ayaa lagu sheegay gaari Noaha ah, midib caddaan ah leh.

Sidoo kale, xogtaan oo hay’addaha amniga ogyihiin ayaa waxay shirkadda SAHAL gaarsiisay fariin digniin ah, waxaana lagu wargeliyay dhowr tallooyin ay hay’adda NISA soo gudbisay si feejignaan iyo ka hortagba looga sameeyo qaraxa ismiidaaminta.

Talooyinka la siiyay shirkadda SAHAL waxaa ka mid ah in dadaal xoogan galo sidii nolol ama geeri loogu qaban lahaa ismiidaamiyaha, in baaris lagu sameeyo agagaarka albaabka hore ee garoonka diyaaradaha, in ganacsiga laga joojiyo agagaarka garoonka, in shaqada laga joojiyo gaadiidka daabusha shacabka iy shaqaalaha dowladda iyo in howsha gaariga bartilmaameedka ah la joojiyo

Maalmihii u danbeeyay ayaa waxaa dhacay weeraro iyo qaraxyo ka kala dhacay Muqdisho oo lagu weeraray garoonka diyaaradaha Aadan Cadde iyo qaraxii ismiidaaminta Baladweyne ee lagu dilay xildhibaan Aamina Maxamed Cabdi iyo dad tiro badan.

Sidoo kale, madaxweynihii hore ee dalka Xasan Sheekh iyo siyaasiyiin kale ayaa ka digay in magaalada Muqdisho ay ka dhici doonaan qaraxyo dad shacab ah iyo mas’uuliyiinba lagu laynayo maalmaha soo socda.