Maxaa ka jira in musharax Daahir Geelle uu tirsan yahay urur diimeedka lagu sheegay?

Muqdisho (Caasimada Online) – Daahir Maxamuud Geelle oo ka tirsan musharixiinta u taagan xilka madaxweynimo ee Soomaaliya ayaa markii ugu horeysay si rasmi ah u shaaciyey urur diidmeedka uu ka tirsan yahay.

Musharax Daahir oo wareysi siiyey telefishinka Goobjoog ayaa la waydiiyey waxa ka jiro inuu ka tirsan yahay ururka Ictisaam oo kamid ah urur diimeedyada ka jira Soomaaliya, haddii uu ka tirsan yahayna waxaa la waydiiyey sida uu dalka u maamuli karo, maadama urur diimeedyo kale ay dalka ka jiraan?

Wuxuu ku jawaabay  “Su’aashaan meelo badana waa la iga waydiiyey, waxay bulshada i waydiiyaana waan ka jawaabayaa, aniga hadda urur kama tirsani, kama tirsaneyn kuma dhahayo, hadda kama tirsani”.

Daahir Geelle ayaa qirtay inuu horay uga tirsanaa Ururka Ictisaam, balse hadda wuxuu sheegay in uusan urur ka tirsaneyn, wuxuuna sababta ka dhigay in qofka madaxweynaha ka noqonaya dalka laga rabo in uusan qofka ama urur gaar ah u xirneyn.

Wuxuu sheegay in dalka ay ka jiraan ururro iyo kooxo kala duwan, isagoo ballan qaaday inuu noqon doono dhex-dhexaad isku wadi kara kooxaha iyo ururrada dalka ka jira.

Doorashada Soomaaliya ayaa a filayaa inay dhacdo inta uusan dhammaan sanadkaan, waxaana ka qeybgeli doona musharixiinta kala duwan ee isku soo taagay xilkaan.