Cabdicasiis Lafta Gareen: Ma rabno in nala hogaamiyo oo anagaa wax hogaamineyna

Baydhabo (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta Gareen) oo khudbad sagootin ah u jeediyey xildhibaanada laga soo doortay maamulka ayaa ka hadlay xaalada dalka iyo arrimaha doorashooyinka.

Lafta Gareen ayaa ugu horreyn soo hadal qaaday doorashada Golaha Shacabka ee haatan mareysa gabagabada, wuxuuna sheegay inay geliyeen qabsoomideeda dadaal xoog leh.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale sheegay in markii arkeen inay maamullada kale Baarlamaanka ku soo dareen saraakiil ay iyaguna soo dirsadeen Janano.

“Baarlamaanka waxaa ku jiro oo maamulada kale markii ay keeneen aan annagana keennay waxa la yiraahdo Janano, intaas oo dedaal ah markii ay marayeen reer Koonfur Galbeed ujeedadeeda waxa ay ahayd in aan dib inta nagu soo noqotaan oo aan na dhihin waxaas ma qabno oo kuwaas ayaa qaba, wax weliba oo Soomaali heysato waad heysataan, haddii Aqoon ay tahay, Haddii waayo-aragno tahay, Haddii Jananimo tahay, Haddii dhalinyaronimo tahay, Haddii Diin ay tahay iyo haddii ay Maadi tahayba intaba waad heysataan ” ayuu yiri Madaxweyne Lafta Gareen.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in wal-wal xoogan ay ku heyso doorashada iyo dhameystirkeeda, isla-markaana uu habeenkii ku riyoodo iyadoo qof la dooranayo, inkastoo uusan shaacin qofka uu yahay, walow isagu ka mid yahay kooxda madaxweyne Farmaajo.

Isaga oo ka hadlayey doorka dowlad goboleedka Koonfur Galbeed ee doorashada ayaa waxa uu sidoo kale sheegay inay heestaan xildhibaanada ugu badan, ayna dooneyn in la hoggaamiyo, balse iyagu ay wax hoggaamin doonaan, sida uu hadalka u dhigay.

“Habeenkii markaan seexdo waxaan ku riyoodaa iyadoo qof la doranayo, maadaama aan nahay maamulka heysta xildhibaanada ugu tirada badan ma rabno in nala hoggaamiyo oo annagaa wax hoggaamineyna,” ayuu sii raaciyey.

Ugu dambeyn wuxuu Lafta Gareen kula dardaamray xildhibaanada labada aqal ee kasoo jeeda Koonfur Galbeed inay muujiyaan midnimo, ayna la yimaadaan metelaad dhab ah.

“Waxa ugu horreeyo ee aan idinka dalbanayo waa in aad midnimo sameysaan si aad u muujisaan sumadda DG Koonfur Galbeed oo aad ka dhex muuqataan Baarlamaanka, waxa aan nahay Dadka ugu badan, ma rabno in nala hoggaamiyo sanadkaan oo aan innaga hogaamino, masiirka ummadda Soomaaliya waa in aan goynaa oo aan naloo yeerin ee aan annaga yeerino” ayuu markale yiri Madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed.

Si kastaba, Koonfur Galbeed ayaa noqotay maamul goboleedkii ugu horreeya ee bilaaba doorashada Baarlamaanka, kuna soo gabagabeeyey waqtii lagu ballamay ee 15-kii March.