Maxay Hindiya ka tiri kororka weerarada Al-Shabaab?

Muqdisho (Caasimada Online) – War kasoo baxay dowladda Hindiya ayaa waxaa si xoogan loogu cambaareeyey weerarada Al-Shabaab ee Soomaaliya, gaar ahaan weerarkii ugu dambeeyey ee 23-kii bishan lagu qaday garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde.

Dowladda Hindiya ayaa sheegtay inay aad uga xun tahay weerarkaasi oo ahaa mid ah toos ah, isla-markaana lagu dilay ilaa ugu yaraan 6 qof oo 5 ka mid ah ay ahaayeen Ajaaniib.

Qoraalkan ayaa waxa sidoo kale ay Hindiya ku sheegtay in kororka weerarada Al-Shabaab aysan kaliya khatar ku aheyn Soomaaliya, balse ay halis ku yihiin addduunka oo dhan.

Hindiya ayaa intaasi ku dartay inay sii wadi doonto taageerada Soomaaliya, isla-markaana ay garab taagan tahay ciidanka dowlada iyo kuwa AMISOM ee la dagaalamaya Al-Shabaab.

Dhanka kale dowladda Hindiya ayaa ugu baaqday beesha caalamka inay la jibaar doonto dadaalladeeda ku aadan dib u dhiska dowladnimada Soomaaliya iyo xasiloonida dalka.

“Waxaan mar kale ku celinaynaa in aan si buuxda u taageersanahay howlgallada ay ciidamada Soomaaliya iyo kuwa Midowga Afrika ee AMISOM ka wadaan Soomaaliya ee ka dhanka ah Al Shabaab iyo in beesha caalamku ay sii waddo garab istaagga Soomaaliya ee dagaalka lagula jiro argagixisada” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayadoo Soomaaliya haatan ay wajaheyso xaalad amni darro, xilli lagu jiro doorasho, kadib markii ay Al-Shabaab kordhisay weeradeeda gudaha dalka.