Danjire Diinaari iyo Yuusuf Xasan oo ka hadlay qodobo muhiim u ah saxaafadda

Macalin Yuusuf Xassan oo ka mid ah suxufiyiinta ugu magaca weyn ee la soo shaqeeyay BBC laamaha Carabiga & Soomaaliga & Danjire C/raxmaan Nuur Maxamed [Diinaari] oo ka mid ahaa hormuudkii aasaasayaasha n warbaahinta xorta ah burburkii kaddib ayaa ugu baaqay suxufiyiinta Soomaalida in ay ka shaqeeyaan sidii ay kor ugu qaadi lahaayeen aqoonta xirfadooda, ulana jaan-qaadaan habka ay u shaqeyso warbaahinta caalamka. 

“Suxufigu sida qof kasta oo kale oo muwaadin ahi ay mas’uul uga saaran tahay waddankiisa, ayeey isagana mas’uuliyadi ugu saaran tahay. Arki meysid suxufi ka soo horjeesanaya danta & maslaxada dalkiisa, annaga suxufigeena waxaa dhici karta inuu ka shaqeeyo wax liddi ku  ah danaha & masaaliixda dalkiisa, oo uu warar ka raadiyo wax meel ka dhac ku ah qiyamka & sharafta dalkiisa” Ayuu yiri Danjire C/raxmaan Diinaari, mar uu ka hadlayay sida la isku qabad-siin karo suxufigu isaga oo dhinac-na ka gudanaya waajibaadkiisa shaqo in dhinaca kale-na uu mudnaanta 1aad siiyo ilaalinta  Qaranimada bad, dhul & cir ee dalkiisa. 

Danjire Diinaari, wuxuu tusaale u soo qaatay murankii dowladda Kenya ay gelisay badda Soomaaliya, in suxufiyiinta Soomaalidu ay buunbuuninayeen hadaladii ka soo baxayay Kenya, taas oo uu ku tilmaamay mid aan dhinaca kale [suxufiyiinta Kenya] ka suurtageli laheyn. 

“Waxaan arkayay  markii Kenya ay Soomaaliya ku eedeyneysay arrinta badda suxufiyiin war ka raadinaya, suxufigu isaga oo xeerkiisa & shuruucdiisa ku taagan ayuu dalkiisa difaaci kara” Ayuu yiri Danjire Diinaari. 

Yuusuf Xassan oo ah khabiir & macalin saxaafadeed, ayaa dhinaciisa sheegay suxufiga waajib ku tahay barashada xeerarka & shuruucda saxaafadda. 

“Suxufigu, waa inuu dhaqanka, diinta & dadka dhageysanaya ixtiraamo, oo wixii uu doono aanu isaga hadlin, suxufigu haddii uusan dhowrin dhaqanka & anshaxa waddaniyad na ilaalin maayo” Ayuu yiri Yuusuf Xassan, wuxuuna intaasi ku daray in dhexdhexaadnimadu ay rugni adag tahay mihnada saxaafadda. 

“Duuliyuhu haddii uusan khibrad fiican laheyn dadka dayuurada saaran ayuu la gedin karaa, waxaa la mid ah dhaqatarka haddii uusan khibrad laheyn daawooyinkiisa ayaa loo dhiman karaa, suxufigu intaas oo dhan wuu ka qatar badan yahay, malaayiin ama kumanaan ayuu sumeynayaa” Ayuu yiri Yuusuf Xassan, wuxuuna intaasi raaciyay in war been abuur ah marka suxufigu soo gudbiyo inuu sababi karo in ay dad isku laayaan ama ku barakacaan. 

Macalin Yuusuf Xassan, mar la weydiiyay xilligii Muqdisho ay ka talinayeen hogaamiye kooxeedyada & waqtigan oo dalku ku jiro marxalad soo kabasho dhanka dowladnimada ah waqtiga saxaafadda u wanaagsan, wuxuu ku jawaabay: 

“Horta nolosha iyo horumarkeeda & in rajo fiican oo dowladnimo ahi jirto xilligan ayaa fiican, laakiin xagga shaqada suxufinimada & howlihiisa xilligaas ayaa fiican, ma arkin xilligan waqti ka xun oo ay saxaafaddu soo martay”. 

HOOS KA DAAWO MACLUUMAADKA OO DHAMEYSTIRAN.

W/Q: Cabdishakuur Cilmi Xassan
E-mail: somalinederlandtv@gmail.com