Daawo: Sidee reer Hargeysa uga falceliyeen deeqda DF?

Hargeysa (Caasimada Online) – Qaar ka mid ah shacabka ku dhaqan magaalada Hargeysa ayaa si weyn uga falceliyey deeqda dowladda Soomaaliya ugu yabooday Somaliland, si loogu gurmado walaalaha ku hanti beelay dabkii ka kacay Suuqa Haaween.

Shacabka ayaa muujiyey inay si weyn ugu faraxsan yihiin deeqda uga timid walaalahooda Soomaaliyeed, isla-markaana ay soo dhoweeynayaan.

“War aniga nin yahow dowladdaasi Soomaaliya aynu jaarka nahay oo walaalaheyna anigu deeqdaasi ay bixisay ee igu horreysay ay ugu yaboohday lacagtaas faraha badan ee ay ugu deeqeyso walaalahadooda Somaliland anigu aad iyo aadbaan usoo dhoweynayaam,” ayuu yiri Maxamed oo ka mid ah dhalinyarada ku dhaqan gudaha magaalada Hargeysa.

Waxa kale oo intaasi kusii daray “Waa walaalnino waa Soomaalinimo, waana kuwii ugu horreeyey aynu wax u doonan laheyn, saas oo kale, haddii ay iyagu ku dhacdo waa tii aynu tari laheyn,”.

Sidoo kale wiil kale oo la hadlay Wariyeyaasha oo ka aragti dhiibtay arrintan ayaa sheegay in la’isku hayo arrin maamul oo kaliya, balse la’isku gurman karo, si walaalnimo ah.

“Dowladnimadu iyo walaalnimo waa kala kaan wixii aan isku heynaa waa in laba dowladood iyo laba dad oo walaalo nahay weeye marka saas ayaan isku caawineynaa,” ayuu yiri.

Ugu dambeyn Hooyo ku dhaqan Hargeysa, kana mid ah dadka ka hadlay arrintan ayaa iyana  si dareen leh uga falcelisay deeqdan, waxayna shaacisay inay aad ugu faraxday.

“Aadbey u mahadsan yihiin gacan walaalnimo ah ayey ina siiyeen marka xalay daawaday warkooda wallaahi aadbaan ugu farxay,” ayey tiri.

Arrintan ayaa ku soo aadeyso, iyada oo madaxda dowladda, gaar ahaan madaxweynaha iyo r/wasaaraha ay xiriir toos ah la sameeyeeyn madaxweynaha Somaliland, kaddibna ay ku dhowaaqeen deeq lacageed oo ay ku jirto lacag horey looga xanibay xukuumada Hargeysa.

Halkan hoose ka daawo:-