BOQOR BUURMADOW oo jawaab ka bixiyey hadalkii Ra’iisul Wasaare ROOBLE

Muqdisho (Caasimada Online) – Boqor Cusmaan Aw Maxamuud Buurmadow oo wareysi siiyey Telefishinka Horn Cable ayaa ka hadlay dabkii xooganaa ee ka ka kacay suuqa magaalada Hargeysa iyo jawaabta ay ka bixisay dowladda federaalka Soomaaliya.

Boqor Buurmadow ayaa marka hore si weyn uga yimid lacagta uu ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble amaray in loo fasaxo Somaliland, taas oo aheyd mid horey uga timid deeq bixiyeyaasha caalamka, balse ay xanibtay dowladda Soomaaliyeed.

Sidoo kale wuxuu shaaca ka qaaday in hadalka kasoo yeeray ra’iisul wasaaraha uu lama filaan ku noqday, sida uu hadalka u dhigay.

“Wallaahi hadalkaa ra’iisul wasaaraha uu ku hadlay arrinkaa ma aan fileyn maanta inuu ka hadlo runtii waxaana u arkaa inay jidgooyo ku tahay. Dhaqaalaha kani waa dhaqaale Somaliland horey ay uga xanibtay dowladda federaalku oo 12 milyan ahaa oo qasnad isaga jirtay oo loo diiday dadkii abaaruhu sameeyeen oo caalamku nasiiyey oo Soomaaliya nasiin,” ayuu yiri Boqor Buurmadow oo wareysi toos ah siiyey Horn Cable TV.

Waxa kale uu intaasi ku sii daray in arrintan ay meel ka dhac ku tahay Somaliland iyo dadkeeda, uuna u arko digasho.

“Maanta dowladda Soomaaliya waxaan ka sugeynay iyo ra’iisul wasaaruhu inay ku dhowaaqaan dhaqaale walaaltinimo oo iyagu ina taraan, laakiin waxaan u aragnaa in digashooyin iyo meel ka dhac ku tahay dhaqaalaha ay xanibeen inay maaanta ka dhigaan wax ay ina siinayaan,” ayuu sii raaciyey Boqor Cusmaan Aw Maxamuud Buurmadow.

Ugu dambeyn wuxuu farriin u diray dadka Soomaaliyeed oo uu ka dalbaday inay qaataan doorkooda walaalnimo, una gurmadaan dadkii ku hanti beelay dabkii ka kacay Hargeysa.

“Waxaan rajeynayaa dadka shacabka ah ee Soomaaliyeed ee koonfurta ama meel kasta oo ay joogaan in iyaga toodu ay taa xukuumaddu ku dhowaaqday ka wanaagsanaan doonto, waxtarkooduna mid muuqdo uu noqon doono,” ayuu marb kale yiri Boqor Buurmadow.