Midowga Musharaxiinta qaarkood oo billaabay dadaal lagu fasxayo kursiga Fahad

Muqdisho (Caasimada Online) – Qaar ka mid ah xubnaha Midowga Musharaxiinta Soomaaliya ayaa billaabay cadaadis ay doonayaan in lagu fasaxo kursiga uu xayiray guddiga doorashada ee uu kusoo baxay Fahad Yaasiin, sida ay ogaatay Caasimada Online. 

Ilo-wareedyo lagu kalsooon yahay ayaa Caasimada Online u sheegay in Shariif Sheekh Axmed iyo Xasan Cali Kheyre ay wadaan dadaallo la doonayo in shahaadada xildhibaan lagu siiyo Fahad Yaasiin. 

Xubnahan ayaa ku dooday in khilaafkan uu horseedi karo khilaaf cusub oo natiijadiisu noqoto dib u dhac kale oo ku yimaada dhameystirka doorashada golaha shacabka, taasi oo aanay cidna dan ugu jirin. 

Kursiga Fahad ayaa la rumeysan yahay inuu is-hortaagay ra’iisul wasaare Rooble oo kaashanaya guddiga doorashada, taasi oo qeyb ka ah dagaalka siyaasadeed ee kala dhaxeeya madaxweyne Farmaajo iyo Fahad. 

Musharaxiintan ayaa waxaa horey u jiray warar sheegaya inay yihiin qorshaha labaad ee Fahad iyo Qatar, haddii madaxweyne Farmaajo aanu yeelan rajo badan oo uu dib ugu soo noqdo xilka madaxweynaha, si gaar ahna Shariif Sheekh Axmed iyo Xasan Cali Kheyre.

Kursiga Fahad ayaa ku jira mugdi badan, waxaana fashilmay qeyb ka mid ah qorshe ay maamullada HirShabeelle iyo Koonfur Galbeed ku qaadici lahaayeen in xildhibaanada ay shahaado ka qaataan guddiga doorashada, kadib markii xubno laga soo doortay maamulladaas shahaado la siiyey.

Haddii xubnaha harsan badankood ay sidoo kale shahaado qaataan, alabaabka kaliya ee u furan Fahad ayaa noqonaya inuu helo xal uu guddiga doorashad uga helo shahaadada xildhibaannimo.