Sida lagu xanibay iyo cidda xanibtay deeqdii uu Rooble shalay u fasaxay Somaliland

Hey’adaha Qaramada Midoobay (UN Agency or organs) ma ahan deeq bixiyaal (donors) ee waa deeq maamulayaal (fund administers)! Hey’adaha iyo laamaha Qaramada Midoobay, waxay maamulaan oo fududeeyeen lacagta dalalka deeq bixiyayaashu Soomaaliya, siiyaan maadaama hey’ado awood iyo karti u leh in waxii loogu deeqay meel mariyaan jirin.

Doorka Hey’adaha Qaramada Midoobay;

Waxaa jirtay in February 2005 UNDP, dejisay qorshe ay Soomaaliya saddex (3) aag ugu qeybiyo si mashaariicda loo gaarsiiyo deegaan walba ayada oo daruufaha u gaarka ah la eegayo. Saddexda aag ayaa laga dhigay Somaliland, Puntland iyo South Central Somalia.

August 2013 ayaa Xukuumaddii Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) wax yar ka hor inta aan Bruessel, loo tagin ‘‘Somali New Deal’’ la wadaagtay Hey’adaha Qaramada Midoobay oo idil in saddexda aag dib dambe loo adeegsan karin oo dalka dowlad deegaanada oo dhami metesha ka jirto oo baahiyaha Soomaaliya, dowladdu soo gudbinayso.

Dood weyn ayaa ka dhalatay soo jeedinta R’iisul Wasaare Shirdoon, waana sababta keentay in Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud guddoomiyo in heshiis gaar ah oo deeq bixiyayaashu Somaliland, kula macaamilayso la isla gaaro inta wadahadallada Somaliland laga miro dhalinayo. 

Halkaas waxaa September 2013 ku dhashay Somaliland Special Arrangement oo saddex (3) sano oo kooban in lagu shaqeeyo loogu talo galay.

Doorashadii Soomaaliya iyo xukun kala wareegiddii 2016/2017 ayaa sanad qaadatay oo daahisay in dib loo cusboonaysiiyo heshiiskii Somaliland Special Arrangement. 

Ugu dambeyn June 9, 2018 ayaa Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, Xasan Cali Kheyre iyo Jamaal Maxamed Xasan, iska diideen in Somaliland Special Arrangement la cusboonaysiiyo.  

Shan (5) sano oo xiriir ah ayaa Maxamed Cabdullaahi Farmaajo dhagar iyo dhib joogto ah ku hayey Dowladda iyo Shacabka Somaliland. 

June 09, 2018 ayuu Mashaariicdii caalamku Somaliland siinayey ka joojiyey. Sidoo kale diiday in la cusboonaysiiyo heshiiskii taageerada gaar ah ee Somaliland (Somaliland Special Arrangement) oo September 2013 Xukuumaddii Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, u ogalaatay in si toos ah loo taageero Somaliland.

Beesha caalamka oo arrinta Jamaal Xasan ku kacay la yaabtay ayaa afar (4) beri kaddib warqad toos ah u dirtey Ra’iisul Wasaare kuxigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed. Dhambaalka ayaa lagu aadiyey (ogeysiiyey) Farmaajo iyo R/W Xasan Cali Kheyre, si haddii go’aanka keligi qaatay Jamaal, wax uga dhahaan.

Nasiib xumo R/W-kuxigeenku kama jawaabin dhambaalkii deeq bixiyaasha, taageeradii Somaliland sidaas ayey ku baaqatay. Cunuqabateyntii Jamaal Maxamed Xasanna waa ay shaqeysay inleen Farmaajo iyo Khayre ayaa la ogaaye.

Hadda dhibka Suuqa Waaheen ee Hargeysa ka dhacay ayaa Farmaajo iyo Abiy Ahmed, ka naxayaan, aniga waa degi la’dahay! In ay ku lug leeyihiin ayaan ba qabaa! Hayeeshee, warku waa soo bixin Alle weyne Idamki.

Mahadsanid R/W Maxamed Xuseen Rooble