Muqdisho (Caasimada Online) – Wasaaradda Arrimaha Dibadda Turkiga oo wareegto soo saartay ayaa maanta Danjire Ferhat Alkan usoo magaocwday inuu noqdo safiirka cusub ee u fadhin doono Soomaaliya, isaga oo beddalayo safiirkii hore ee Turkiga ee Muqdisho, Alper Aktaş oo isna loo wareejiyay xilka safiirka Turkiga ee waqooyiga Macedonia, sida lagu caddeeyay wareegtada.
Tallaabadan ayaa qeyb ka ah isbeddel diblomaasiyadeed oo cusub oo ay sameysay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Turkiga, kaas oo ku wajahan Soomaaliya oo haatan ku jirto marxalad siyaasadeed oo xasaasi ah.
Safiirka cusub ayaa ah diblomaasi khibrad dheer leh oo ku biiray Wasaaradda Arrimaha Dibadda Turkiga sanadkii 2001. Intii uu ku jiray shaqada diblomaasiyadda, wuxuu kasoo shaqeeyay safaaradaha Turkiga ee Kabul iyo Washington, sidoo kale wuxuu soo noqday Qunsulka Guud ee Turkiga ee Houston iyo la-taliye sare oo ka tirsan safaaradda Turkiga ee magaalada Beijing.
Ferhat Alkan kahor magacaabistiisa Soomaaliya, wuxuu ahaa safiirka Turkiga ee Mozambique, isaga oo xilkaas hayay tan iyo bishii Febraayo 2025.
Danjiraha cusub ayaa shahaadada koowaad ka qaatay xiriirka caalamiga ah ee Jaamacadda Middle East Technical University, halka shahaadada Master-ka (MA) ee daraasaadka Yurub uu ka qaatay Jaamacadda Nottingham ee Boqortooyada Ingiriiska.
Si kastaba, Magacaabistan ayaa kusoo beegmaysa xilli Turkiga uu sii xoojinayo xiriirka istiraatiijiyadeed iyo iskaashiga uu la leeyahay Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada amniga, dhaqaalaha iyo horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha.
Turkiga waa saaxibka koowaad ee Soomaaliya, isaga oo haatan dadaal ku bixinayo soo saarista shidaalka dabiiciga ee dalka iyo xal u helidda arrimaha murugsan ee siyaasadda, gaar ahaan khilaafka dowladda iyo mucaaradka.
Isbeddelkan cusub ayaa sidoo kale xukuumadda Ankara waxay ku dooneysaa inay dib ugu qaabeeyo siyaasaddeeda gudaha Soomaaliya, si ay u hesho kalsoonida madaxda sare ee dalka iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed.

