Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa hadda la guda galay wareegga labaad ee doorashada guddoomiyaha golaha shacabka, iyadoo lagu kala bixi waayey wareegii koowaad.
Labo musharax ayaa u gudubtay wareegga labaad ee doorashada, kuwaas oo kala ah, Xasan Cabdinuur oo wareegii koowaad helay 98-cod iyo Sheekh Aadan Madoobe oo isna wareegii koowaad helay 74-cod.
Cabdulaahi Black oo wareegii koowaad helay 33-cod iyo Aadan Saransoor oo isna wareegii koowaad helay 24-cod, isla markaana fursad u heystay inay u gudbaan wareegga labaad ayaa u tanaasulay Sheekh Aadan Madoobe.
Wareegii koowaad waxaa codadka loo kala helay sidaan:
1- Xasan Cabdinuur 98-cod
2- Sheekh Aadan Madoobe 74-cod
3- Cabdulaahi Black 33-cod
4- Aadan Saransoor 23-cod
5- Shariif Maxamed Cabdalla 13-cod
6- Cabdirashiid Maxamed Xidig 6-cod
7- Xildhibaan Saadaq Cabdullaahi Cabdi 5-cod.
Hoos ka daawo codeynta doorashada