Xubno ka jabay guddiga doorashada guddoonka BF oo go’aan soo saaray + Video

Muqdisho (Caasimada Online) – Xubno ka tirsan guddiga doorashada guddoonka golaha shacabka ee baarlamaanka 11-aad ayaa caawa shir jaraa’id qabtay, ayagoo soo jeediyey in doorashada berri laga reebo xildhibaanadii lagu soo kala doortay Ceelwaaq iyo Garbahaarey.

Xubnahaan oo afar qof ah waxay sheegeen inay isku raaceen in doorashada berri laga reebo metelaada gobolka Gedo, kadib markii ay arkeen qatarta kasoo wajahan doorashada berri.

Waxaa maqan oo aan weli soo hadlay garabkii kale ee guddigaan oo guddoomiyaha guddiga Cabdirisaaq Cumar Maxamed uu ku jiro, kuwaas oo la sheegay inay rabaan in xubnihii lagu soo doortay Ceelwaaq ay doorashada berri ka qeyb galaan.

16-kii Xildhibaan ee lagu soo doortay Ceelwaaq, waxaa caqabad looga dhigay 16 kale oo lagu soo dhisay Garbahaarey, kuwaas oo xalay isku dhaariyey Muqdisho.

Arbacada berri ee 27-ka April ayaa loo balansan yahay doorashada guddoonka golaha shacabka ee baarlamaanka 11-aad, balse kooxda Farmaajo ayaa muran gelineysa ka qeyb galka doorashada ee xubnihii lagu soo doortay degmada Ceelwaaq ee gobolka Gedo.