Digniin ku aadan weeraro ay qorsheeneyso Al-Shabaab

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Ingiriiska ayaa soo saartay digniin ku aadan weeraro ay qorsheeneyso inay fuliso kooxda Al-Shabaab ee ka dagaalanto Geeska Africa.

Digniinta kasoo baxday Ingiriiska ayaa lagu sheegay in kooxda Al-Shabaab ay wado qorsho ay weeraro iyo afduub uga fulineyso meelo kamid ah Soomaaliya xilliyada ciidaha si ay uga faa’ideysato mashquulka.

Dowladda Uk waxaa ay sheegtay in Al-Shabaab ay hanjabaado u jeediyeen dowladaha Reer galbeedka iyo Hay’adaha u shaqeeya, taas oo keentay in xaalad cabsi oo dhanka Amniga ah laga dareemo magaalada Muqdisho.

“ Weerarada argagixisadu waxay noqon karaan kuwo aan kala sooc lahayn, oo lala eegto meelaha dadku ku badan yahay, munaasibadaha Ciiddaha iyo meelaha ay Ajaanibta booqdaan,” ayaa lagu yiri qoraa kasoo baxay UK.

Sidoo kale dowladda Uk waxaa ay sheegtay in khatar weyni ka jirto gacanka cadmeed iyo Badweynta Hindiya lagana cabsi qabo dambiyo ka dhaca biyaha caalamiga ee Soomaaliya.

Digniinta kasoo baxday Ingiriiska ayaa waxaa laga reebay saddex gobol oo ku yaala Somaliland oo kala ah, gobolka Maroodi jeex (Hargeysa), Awdal (Borama) iyo Saaxil (Berbera).

Dowladda Uk ayaa waxaa ay kamid tahay dowladaha taageerada Dhaqaale siiya Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya.

Sidoo kalana waxay Dowladda Soomaaliya ka caawisaa tababarka ciidamada iyo dagaalka lagula jiro kooxda Al-Shabaab.