Baydhaba (Caasimada Online) – Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa magaalada Baydhaba ka dhistay madaxtooyo cusub oo habka loo sameeyey aad usoo jiidatay bulshada Soomaaliyeed.
Madaxtooyadan ayaa waxaa xariga madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo booqasho ku tagay magaalada, halkaasi oo sidoo kale uu wada-hadallo kula leeyahay madaxweyne Cabdicasiis Lafta-gareen.
Madaxtooyadan oo sawirradeeda xalay lagu baahiyey bogga facebook ee Koonfur Galbeed ayaa loo dhisay hab aad u qurux badan, waxaana sida muuqata ku baxay qarash badan.
Si kastaba, sawirrada ayaan lagu bixin wax faah-faahin ah oo ku saabsan madaxtooyada, sida inta qol ay ka kooban tahay, qarashka ku baxay iyo waxyaabaha kale ee ay wadato.
Caasimadda rasmiga ah ee maamulka Koonfur Galbeed ayaa ah magaalada Baraawe, hase yeeshee maamulka ayaa tan iyo intii la dhisay ku shaqeynayey Baydhaba, mana muuqata inuu ka guuri doono xilli dhow kadib dhismaha madaxtooyadan.
Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Lafta-gareen, oo bishii December 2018 uu xukunka Farmaajo ku keenay awood ciidan oo dhiig uu ku daatay, ayaa muddo xileedkiisu ku egyahay bisha December 2022.