Madaxweyne Muuse Biixi iyo safiirka Midowga Yurub oo yeeshay kulan muhiim ah

Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabiley Safiirka Midowga Yurub Amb. Tiina Intelmann, oo ay wehlinayeen Safiirka Sweden Amb. Per Lindgarde iyo Maria Groeneveld oo ka socotay xafiiska Midowga Yurub ee Nairobi.

Kulanka ayaa waxaa looga wada-hadlay doorashooyinka Somaliland iyo Abaaraha kusoo wajahan Geeska Afrika, gaar ahaan Abaarta ku soo noq-noqotay deegaanada maamulka.

Sidoo kale waxaa diirada lagu saaray sidii ay Midowga Yurub gacan uga geysan lahaayeen mustaqbalka iyo kor u qaadidda iskaashiga labada dhinac, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay Madaxtooyada Somaliland.

Waxa ku wehlinyaya Madaxweynaha kulankaan Wasiir ku-xigeenka Arrimaha dibedda iyo iskaashiga Caalamiga ah, ahna ku simaha Wasiirka Arrimaha Dibeda iyo Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Jamhuuriyadda Somaliland.

Kulankaan ayaa imanaya xili ay xiisad xoogan oo ka dhalatay doorashada ka taagan tahay gudaha Somaliland, islamarkaana lagu kala kacay kulamo ay yeesheen Muuse Biixi iyo xisbiyada Mucaaridka oo ka biyo diidan in la furo ururada ka hor doorashada madaxweynaha.