Mareykanka oo ballan-qaad muhiim ah u sameeyay DF

Muqdisho (Caasimada Online) – Safiirka dowladda Mareykanka u fadhiya Soomaaliya Larry Andre oo la kulmay Ergeyga gaarka ah ee gurmadka Abaaraha Mudane Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa ballan-qaaday in dowladiisa ay door muhiim ah ka qaadan doonto gurmadka abaaraha.

Kulanka ayaa sidoo kale waxa labada masuul ku wehlinayay Madaxa hay’adda USAID Patrick Diskin, waxaana looga hadlay sidii ay gacan uga geysan karaan Gurmadka Abaaraaha daran ee ka jira guud ahaa Soomaaliya, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay kulanka.

Ergeyga gaarka ayaa ku tilmaamay dowladda Mareykanka inay tahay dowladda deeqda gar-gaarka bini’aadanimo ee ugu badan siisa dowladda Soomaaliya.

Ugu dambeyntiina Danjire Larry Andre ayaa Ergeyga gaarka ah u ballan qaaday wada-shaqeyn buuxda, si loo samatabixiyo malaayiinta qof ee abaaruhu saameeyeen.

Dowladda Soomaaliya, gaar ahaan xafiiska Ergeyga gaarka ah ee gurmadka Abaaraha ayaa dadaal badan ku bixinayay sidii beesha caalamka ay gacan weyn uga geysan lahaayeen xaalada abaareed ee dalka.

Tan iyo markii la magacaabay Ergeyga gaarka ah waxaa iska soo daba dhacayay ballan-qaadyada saaxiibaada Soomaaliya ee ku aadan gacan ka geysashada gurmadka Abaaraha daran ee ka jira dalka.