Wararkii ugu dambeeyey ee DAGAAL ka socda GEDO

Garbahaarey (Caasimada Online) – Faahfaahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal u dhexeeyo xoogag ka tirsan Al-Shabaab iyo ciidamada dowladda oo haatan ka socdo qaybo ka mid ah gobolka Gedo ee koonfurta Soomaaliya.

Dagaalka oo ah mid culus ayaa waxaa lagu soo warramayaa inuu ka qarxay deegaanka Shaatolow oo ku yaalla inta u dhexeyso degmooyinka Doolow iyo Luuq ee gobolkaasi.

Wararka ayaa sheegaya in xubno ka tirsan kooxda Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen ciidamada Xoogga Dalka, xilli ay howlgal ka wadeen wadada xiriirisa labadaasi degmo, waxaana kadib, sidaas ku qarxay dagaalka.

Ilo dadka deegaanka ah ayaa u sheegay Caasimada Online in dagaalka la’isku adeegsanayo hubka noocyadiisa kala duwan, isla-markaana dhawaqa rasaasta laga maqlayo meelo ka baxsan halka uu ka socdo iska hor imaadka u dhexeeya labada dhinac.

Sidoo kale waxaa jira khasaare kala duwan oo ka dhashay dagaalkaasi, balse ma cadda inta uu gaarsiisan yahay, waxaana weli xaaladdu ay tahay mid aad u kacsan.

Dhanka kale ma jiro illaa iyo hadda wax hadal ah oo kasoo baxay labada dhinac oo ku aadan dagaalka ka socdo inta u dhexeyso degmooyinka Doolow iyo Luuq ee gobolka Gedo.

Dagaalkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo dhawaan dagaalyahanada Al-Shabaab ay jareen wadada dheer ee xiriirisa labadaasi degmo, taas oo keentay xaalad go’doon ah.

Gedo oo ay haatan ka jiraan dhaq-dhaqaaqyo ciidan ayaa waxaa haddane ka taagan xaalado bani’aadanimo oo ka dhashay abaaraha ku dhuftay koonfurta iyo bartamaha Soomaliya.