Al-Shabaab oo jawaab kulul ka bixisay arrin uu shaaca ka qaaday madaxweyne Xasan

Muqdisho (Caasimada Online) – Kooxda Al-Shabaab ayaa jawaab kulul ka bixisay hadal kasoo yeeray madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo uu ku sheegay in kooxda ay lacag u dirto ururo ka dhisan dalal kale.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in kooxda Al-Shabaab ay lacagaha canshuuraha ah ee ay ka qaado gudaha Soomaaliya u dirto dalalka Mozambique iyo Nigeria, oo ay ku maal-galiso kooxaha argagixisada ee ka dhisan dalalkaas.

“Lacagta ay Soomaaliya ka aruuriyaan ayey dibada u diraan, ka Mozambique iyo Nigeria ka dagaalamaya taburacaadka laga aruuriyo Soomaaliya ayaa loo geeya. Faktii hore lacag waa ka imaan jirtay hada teena loo qaada oo loo geeya,” ayuu yiri.

Hase yeeshee Al-Shabaab ayaa war-saxaafadeed ay soo saartay ku sheegtay in hadalkaas uu yahay mid lagu qoslo, islamaraakana aan sal iyo raad toona lahayn.

“Hadallada Xasan Sheekh waxay caddeyn u yihiin inuu fulinayo danaha gumeystaha, uuna shirkado shisheeye iyo danahooda ka hormarinayo danaha shacabka Soomaaliyeed,” ayaa lagu yiri bayaanka Al-Shabaab.

Al-Shabaab ayaa intaas ku dartay in hadallada madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ay qayb ka yihiin “qorshe midaysan oo ay Itoobiya, Imaaraatka Carabta iyo Turkey ku doonayaan inay dhulka iyo hantida Soomaaliya ku boobaan.” 

Bayaanka ayaa sidoo kale lagu xusay in madaxweynaha Soomaaliya uu, sida hadalka loo dhigay, u gogol xaarayo qorshihii dalka dhaqaalihiisa lagu burburin lahaa, dowladahaasna loogu gacan gelin lahaa. 

Al-Shabaab ayaa ugu baaqday ganacsatada Soomaaliyeed inay ka digtoonaadaan qorshe ay sheegtay in lagu doonayo in lagu boobo hantidooda.

Madaxweyne Xasan ayaa sheegay inay dowladda qorshe ka leedahay sidii looga soo afjari lahaa meelaha kala duwan ee Al-Shabaab ay ka hesho lacagaha baada ah ee u bixiso Zakawaadka iyo Canshuuraha.

“Waa in aan soo xirno tuubooyinka dhaqaalaha ay ka helaan ka dekadda u jooga, ka baadiyaha u jooga ee Zakada u aruuriyay, ka u aruuriya taburacaadka jihaadka waa in aan gacanta ku dhigno.”

Madaxweyne Xasan ayaa waxa uu carabka ku adkeeyay in dowladiisa ay ka go’an tahay sidii ay dhan walba uga adkaan laheyd kooxda Al-Shabaab, oo sanadihii u dambeeyay ku xoogana gudaha Soomaaliya.

“Ninkii ka tanasula fikirka xagjirnimada ee Al-Shabaab ee ka tanusla in uu dhiig Soomaaliyeed daadiya, qirtana in uu qaldana oo uu dadka Soomaaliyeed cafis weydiisto, Wiil Soomaaliyeed waaye waa noo soo noqonaa waa naga tirsan yahay.”