29.9 C
Mogadishu
Sunday, June 8, 2025

Sawirro: Soomaaliya iyo Uganda oo heshiisyo cusub kala saxiixday

Bookmark
Bookmarked

Share

Kampala (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo khudbad ka jeediyey Madasha Iskaashiga dhaqaale ee Soomaaliya iyo Uganda ayaa ka warbixiyey fursadaha iyo koboca dhaqaale ee labada dal ay ka faa’iidayaan hirgelinta iskaashiyada ay wada gaareen iyo xaqiijinta is-dhaafsiga ganacsiga iyo badeecadaha.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa dul istaagay guulaha laga dhaxlay heshiiskii dhexmaray Soomaaliya iyo Uganda sanadkii 2016-kii, oo horseeday in uu kobco isdhaafsiga dhaqaale ee labada dal, fududeynta socdaalka iyo duulimaadyada tooska ah, mataaneynta Jaamacadaha, iskaashiga xiriirka diblumaasiyadeed iyo amni, isagoo uga mahadceliyey dowladda iyo shacabka Uganda marti-gelinta madashan.

Furitaanka Shirkan oo ay wadajir u guddoomiyeen Madaxweynaha Soomaaliya iyo Madaxweynaha dalka Uganda Yoweri Museveni, ayaa ganacsatada labada dal waxay ka arrinsadeen sidii ay kor ugu qaadi lahaayeen maalgashiga, kaabeyaasha dhaqaalaha, shaqo abuurka dhallinyarada, xoojinta fursadaha haweenka, dhiirri gelinta ganacsiga gaarka loo leeyahay, warshadaha iyo hannaanka maaliyadeed.

Inta lagu guda jiray Madasha Ganacsiga Soomaaliya iyo Uganda, Wasiirka Ganacsiga Soomaaliya Jabriil Cabdirashiid ayaa heshiis ku saabsan iskaashiga dhaqaale la saxiixday dhiggiisa dalka Uganda Mwebesa Francis.

Sidoo kale Agaasimaha Wasaaradda Qorsheynta iyo Horumarinta Dhaqaalaha Soomaaliya Asad Yusuf iyo dhiggiisa Uganda Rwakakamba Morrison iyo Rugaha Ganacsi ee labada dal ay kala saxiixdeen heshiisyo kale oo ku saabsan fududeynta ganacsiga iyo isweydaarsiga khibradaha.

Ugu danbeyntii, Labada Madaxweyne ayaa faray wasiirrada labada dal in ay xaqiijiyaan dhaqan-gelinta heshiisyada iyo talooyinka ka soo baxa Madasha Dhaqaalaha Soomaaliya iyo Uganda, sidoo kalena ay ku sameeyaan dib-u-eegis joogta ah, si loogu kuurgalo horumarka laga gaaro hirgelintooda, loona sahmiyo dhinacyo kale oo labada dal ay iska kaashan karaan.

Furitaanka Madashan waxaa ku weheliyey Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud Wasiirrada Arrimaha Dibadda, Gaashaandhigga, Ganacsiga, Xildhibaanno ka tirsan Golaha Shacabka, Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada iyo Danjiraha Soomaaliya ee dalka Uganda.

 

- Advertisement -

Read more

Local News