Tuuryare oo ka digay arrin ka dhalan karta DAGAALKA qabaa’ilka iyo Al-Shabaab

Muqdisho (Caasimada Online) – Tan iyo markii ay beelaha qaarkood bilaabeen inay si dhab ah ula dagaalamaan kooxda Al-Shabaab, waxaa sare u kacay bar-tilmaameedyada ay kooxda ku hayso qabaa’ilada ay ka soo jeedaan maleeshiyaadka is-abaabulay ee dagaalka kula jira kooxdaas.

Al-Shabaab ayaa maalintii Sabtida ahayd ugu yaraan labaatan qof oo rayid ahaa ku dishay gobolka Hiiraan, xilli ay ku safrayeen inta u dhaxeysa magaalooyinka Beledweyne iyo Maxaas.

Haddaba, maxaa ka dhalan kara haddii dagaalka qabaa’ilada kula jiraan Al-Shabaab aan lagu taageerin?

Taliyihii hore hey’adda sirdoonka iyo nabadsugida NISA, Jeneraal Cabdiraxmaan Tuuryare oo la hadlay idaacada BBC ayaa sheegay in haddii dowladda aysan garab ku siin maleeshiyo-beeleedyada dagaalka kula jira Al-Shabaab ay dhibaato u gaar ah wajihi doonaan.

“Haddii hal qabiil kaligiis uu dagaal la galo Al-Shabaab wuxuu culays ama xoog uu ku wiiqayo qabiilkaas saarayaa deegaanadooda si ay qabiillada kale ugu quus-qaataan,” ayuu yiri Jeneraal Tuuryare.

“Beegsiyada qabaa’illada ee ay Al-Shabaab waddo waxa ay sababaysaa in qabiilka intiisa kale ay is-abaabulaan oo ay u midoobaan sidii ay isaga dhicin lahaayeen Al-Shabaab, maaddaama deegaannadoodii la bar-tilmaameedsanayo.”

Sidoo kale waxa uu sheegay in sida ugu fudud ee ay Al-Shabaab dowladda dalka uga xoreyn karto ay tahay in dadka deegaanka iyo qabaa’illada ay is abaabulaan, islamarkaana ay dowladda ciidamo ku taageerto, si aysan Al-Shabaab u beegsan keligood.

“Dowlad aan shacabka deegaanka haysanin oo ay dadkeedu abaabulnayn inay A-Shabaab ka adkaato way adag tahay, maxaa yeelay xitaa haddii ay ciidamada xoreeyaan deegaannada dad sii haya oo abaabulan ayaa loo baahan yahay.”

Waxa uu hadalkiisa kusii daray “Waxay taasi horseedi kartaa in arrintan ay noqoto dagaal nooc cusub ah oo ugu dambeyn looga guulaysan karo Al-Shabaab, balse waxay ku xiran tahay sida loo fahmo iyada oo laga hortagayo in uusan abaabulkoodu mar kale damin, waxaana is leeyahay in tani ay tahay fursadda ugu wanaagsan ee ay dowladdan haysato.”

Ugu dambeyntiina waxa uu ku baaqay in laga faa’iideysto kacdoonka socda ee ay dadka deegaanka iyo qabaa’ilada ay isku abaabulayaan si ay isaga difaacan Al-Shabaab, maadama xiligaan dowladda keligeed aysan awoodin inay dalka ka xareyso kooxdaas.