Dagaal caawa ka socda duleedka degmada Maxaas iyo wararkii u dambeeyey ee kacdoonka Hiiraan

Maxaas (Caasimada Online) – Wararka aan ka heleyno gobolka Hiiraan waxay sheegayaan in galabta maqribkii uu dagaal xoog leh dib uga qarxay degaan hoos taga degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan.

Dagaalka ayaa u dhaxeeya dadka deegaanka iyo kooxda Al-Shabaab, waxaana caawa degaano badan oo hoos taga Maxaas ka jirta dhiilo colaadeed oo aad u culus.

Degaanka uu dagaalkani caawa ka socdo waxaa lagu magacaabaa Ceeley, wuxuuna 28-KM bari ka xigaa degmada Maxaas gobolka Hiiraan.

Dagaalkan ayaa bilowday kadib markii xubno ka tirsan ururka Al-Shabaab ay dad iyo xoolo ka afduubteen meel aan ka fogeeyn halka lagu dagaalamayo caawa.

Abaabul xoogan oo dadka deegaanadaas ay sameynayaan ayaa caawa socda, sida ay noo sheegeen qaar kamid ah odayaasha deegaanka ee abaabulka wada oo Caasimada Online la hadlay.

Wixii ka dambeeyey markii ay Al-Shabaab laayeen dad shacab ah oo isaga safrayey magaalooyinka Beledweyne iyo Maxaas, Sabtigii todobaadkaan, waxaa xoogeystay gulufka dagaal ee dadka deegaanadaas ay ku wajahayaan Al-Shabaab.

Dagaaladii ugu cuslaa ayaa tuulooyin badan oo hoos taga Maxaas ka dhacay 48-kii saac ee lasoo dhaafay, waxaana la sheegay in dagaalka ay ku gacan sareeyaan dadka deegaanka oo si aan kala joogsi laheyn isku abaabulaya.