Daawo: Qoor Qoor gaaray deegaan ay dadka ku nool dagaal u diyaar garoobeen

Maarsagame (Caasimada Online) – Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoor-Qoor) iyo wafdi uu hogaaminayo oo ka kooban Wasiirro, Xildhibaanno iyo maamulka degmada Baxdo ayaa gaaray deegaanka Maarsamage ee ku yaalla bariga degmada Baxdo ee gobolka Galgaduud.

Degaanadaan waxaa ka socda kacdoon loogu diyaar garoobay sidii looga sifayn lahaa kooxda Al-Shabaab. Madaxweynaha ayaa warbixin ka dhageystay odayaasha iyo hoggaanka ciidanka deeganka oo ah shacab iskood isku abaabulay.

Dadka deegaanadaas ayaa u diyaar garoobay la dagaalanka kooxda Al-Shabaab waxayna sheegeen odayaasha deegaanadaas in ay diyaar u yihiin in ay ku jihaadaan kooxdaan duullaanka ku ah dhiigga iyo hantidooda.

Wasiirka Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka ayaa sheegay in Wasaaradaha qaabilsan arrimaha bini’aadanimada ay dadka deegaanada ay gaarsiin doonaan gargaar dhankasta leh, waxuuna baaq u diray hay’adaha arrimaha gargaaka inay dadka deegaanada abaarta iyo colaada ka jirto ay soo gaaraan.

Madaxweyne Qoor Qoor ayaa la hadlay odayaasha iyo dadka deegaanka ee iskood isku abaabulay, wuxuuna ku bogaadiyay dadka deegaanka sida geesinimada leh oo ay ugu diyaar garoobeen la dagaalanka Al-Shabaab.

Sidoo kale Madaxweynaha Galmudug wuxuu shacabka u sheegay in dowladdu ay garab taagantahay had iyo goor dadka shacabka ah ee u istaagay inay iska dulqaadaan cadawga nolosha u diidan ee mar walba maleegaya dhagarta ka dhanka ah shacabka.

Hoos ka daawo