Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho, Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa shalay xarunta Aqalka dowladda hoose ee Xamar ku qaabilay danjiraha dowladda Boqortooyada Sacuudi Carabiya u fadhiya Soomaaliya, Maxamed Bin Axmed Almuwallad.
Danjiraha oo ugu yimid Duqa Muqdisho in ugu hambalyeeyo magacaabida hogaanka gobolka Banaadir iyo caasimadda Muqdisho, ayaa waxa uu xaqiijiyay in dowladda Sacuudiga ay kala shaqeyn doonto guddoomiyaha dhinacyada horumarka iyo dib-u-dhiska caasimada.
Sidoo kale waxa uu danjiraha xusay in ay qeyb ka noqonayaan maalgeshiga caasimadda si dhaqaalaha u kobco, islamarkaana shacabka Muqdisho ay u helaan fursado shaqo.
Guddoomiyaha gobolka Banaadir ayaa dhankiisa Danjire Maxamed Bin Axmed uga mahad-celiyay sida dowladda Sacuudiga u taageerto dalka Soomaaliya.
Waxa kale oo uu tilmaamay sida ay ugu go’an tahay Soomaaliya inay sii xoojiso xiriirka ka dhaxeeya labada shacab, taasi oo ku qotonta iskaashiga iyo wax wada qabsiga labada dal.
Sacuudiga ayaa ka mid ah dalalka sida dhow u taageero dowladda federaalka ah, waxaana Soomaaliya uu ka fuliyaa mashaariicyo waxtar u leh bulshada Soomaaliyeed.