Xamza oo billaabay qorshe dhallinyarada Muqdisho looga qeyb-gelinayo DAGAALKA

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre ayaa shalay ka qeyb galay munaasabad ku saabsan doorka dhallinyarada Soomaaliyeed ee dib-u-xoreynta iyo nabadeynta dalka oo ay soo qaban qaabisay Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha. 

Ra’iisul Wasaaraha ayaa dul istaagay dagaalka naf hurnimada leh ee dalka lagaga xoreynayo argagixisada Al-Shabaab, isaga oo tilmaamay in hoggaanka ciidamada iyo xooggga xoreynta shacbiga ah ay hormuud u yihiin dhallinyaro u istaagay karaamada iyo sharafta dadkooda.

“Cullimada Soomaaliyeed waxay caddeeyeen in dagaalka aan ku jirno uu xaq yahay, cadowga aan la dagaalamaynana yihiin khawaarij, sidaas awgeed waxaa dhallinyarada Soomaaliyeed looga fadhiya in ay dalkooda ka dulqaadaan arxan laawe-yaashaas, caadeystay daadinta dhiiggooda iyo boobka hantidooda,” ayuu yiri ra’iisul wasaaraha.

Xamza ayaa tilmaamay in dhinacyo kala duwan laga wiiqayo argagixisada, sida dhaqaale iyo ciidan ahaanba, isagoo ku baaqay in dagaalka wadajir looga qeyb qaato oo laga daayo dacaayadda ciidanka qaranka iyo bulshada isu abaabulay sidii ay cadowga isaga xorreyn lahaayeen. 

Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre ayaa xusay in shaqo yarida iyo baagamuudda haysata dhallinyarda Soomaaliyeed ay qeyb wayn ka qaadatay argagixisada ku habsatay dhulka khayraadka leh ee dalka, gaar ahaan dhulka hodonka ku ah beeraha iyo biyaha ee Shabeelooyinka, Hiiraan iyo Jubbooyinka, kuwaas oo wax soosaarkoodu uu hodon ka dhigi lahaa dhallinyaradeenna.

Kulankan waxaa ka qeyb-galay Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Mudane Maxamed Barre Maxamuud, Xildhibaan Maxamed Cabdulqaadir, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Yusuuf Xuseen Jimcaale, Guddoomiyeyaasha Degmooyinka Gobolka Banaadir iyo Guddoonka Ururrada Dhallinyarada heer Federaal iyo heer Dowlad-goboleed.