Daawo: Xamza “Qof kasta oo lacag siiyay Al-Shabaab, hadaf buu u yahay dowladda”

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre ayaa caawa ku hanjabay inay dowladdu bartilmaameedsan doonto kuwa maleeshiyada Al-Shabaab siiya dhaqaalaha ay dadka ku laayaan.

Ra’iisal Wasaaraha ayaa ganacsatada ku eedeeyay inay u dhego nugul yihiin awaamiirta Al-Shabaab, iyagoo ka baqaya in ay dilaan.

“Galgala, mid buurta saaran baa mid Xamar Weyne joogga intuu la soo hadlo dhihi lacagtaa ii keen, markaasuu u gayn intuu sii qaado,” ayuu yiri Ra’iisal Wasaaruha.

“Ganacsatadeena qof aan Jilib la gayn kuma jiro, jidkaas yaa baabuur ku maray? Dhowr habeen baa la dhaxaa. Odayaal ayagoo ah ayay intay xoolo qaadaan bay Jilib ugu geeyaan, farriin qoraaleed baa loo soo qoraa, soo bax Jilib imow, wuuna tagayaa, haddii ay dowladdu u yeerto waxaa laga yaabaa inuusan imaanin,” ayuu yiri Ra’iisal Wasaaruha.

Waxa kaloo uu yiri “Maxay tahay waxaas? Waa cabsi iyo fuleynimo, waa fuleeyo kuwaasi. Waxaa fuleynimadaa kaaga daran waxay ka qayb qaadanayaan dilka dadka Muslimiinta ah.”

Xamza Cabdi Barre ayaa ku goodiyay qof kasta oo dhaqaale ku taageera Shabaab in uu hadaf u noqon doono dowladda.

“Sidaasi darteed qof kasta oo Shabaab xoolo u wada ama u tagga dowladda hadaf buu u yahay, maxaa yeelay dowladdu waxay masuul ka tahay dhiigga shacabka Soomaaliyeed inay ilaaliso,” ayuu yiri Ra’iisal Wasaare Xamza.

Ra’iisal Wasaaraha ayaa caawa hadalkan ka sheegay munaasabad ka dhacday Magaalada Muqdisho, oo uu ku daahfuraya ololaha qaran ee doorka dhallinyarada ee dib-u-xoreynta iyo nabadeynta dalka.