Abiy oo Xasan Sheekh u sheegay inuu doonayo in la weeciyo diiradda xiriirkooda

Addis Ababa (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya  ayaa madaxweynaha Soomaaliya wuxuu Arbacadii u sheegay inuu doonayo labada dal ay deriska ah ay hadda kadib diiradda xiriirkooda saaraan xoojinta iskaashiga dhaqaale.

Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed ayaa madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu Isniintii kusoo dhoweeyey magaalada Addis Ababa oo uu ku joogo booqasho laba maalin, oo ah tii ugu horreysay ee uu ku tago dalkaas tan iyo markii uu xukunka la wareegay bishii May. 

Sanadihii tegay, Itoobiya ayaa safka horey uga jirtay taageerada gobolka ee dagaalka ay Soomaaliya kula jirto kooxda Al-Shabaab. 

Inkasta oo Itoobiya ay kaalin muhiim ah ku leedahay howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya, haddana Abiy ayaa shalay Xasan Sheekh u sheegay in Addis-Ababa ay hadda dooneyso inay diiradda saarto iskaashi dhaqaale oo ay la yeelato Muqdisho. 

Waxa uu hoosta ka xariiqay in Itoobiya ay diyaar u tahay inay dhinacyo badan kala shaqeyso dowladda cusub ee Soomaaliya “ayada oo si gaar ah xoogga loo saarayo kobcinta dhaqaalaha,” sida lagu sheegay war-saxaafadeed kasoo baxay xafiiska Abiy Ahmed.

“Waxa uu ku celiyey damaca Itoobiya ee ah in Soomaaliya oo degan ay waxtar u leedahay Itoobiya,” ayaa lagu yiri bayaanka. 

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ka mahad-celiyey “huritaanka” Itoobiya u sameysay Soomaaliya ka wanaagsan sida ay hadda tahay, wuxuuna tusmeeyey muhiimadda inay iska kaashadaan wax ka qabashada caqabadaha ay wajahayaan labada dal.

Xiriirka Itoobiya iyo Soomaaliya ayaa waxaa sanado badan xuddun u ahaa iskaashiga amni, ayada oo Itoobiya ay kumanaan ciidan ka joogaan Soomaaliya.

Dhinaca kale, warka kasoo baxay xafiiska Abiy ayaa imanaya ayada oo dowladda Soomaaliya ay sheegtay in madaxweyne Xasan Sheekh uu taageero hub weydiisan doono Itoobiya inta uu joogo Addis-Ababa. 

Wasiiru dowlaha arrimaha dibadda Soomaaliya Cali Maxamed Cumar (Cali Balcad) oo ka mid ah wafdiga madaxweynaha ayaa sheegay in Itoobiya ay muhiim u tahay Soomaaliya, markii la eego hiigsiga dowladda, sida dagaalka Al-Shabaab, isagoo xusay in Itoobiya iyo dalalka kale ee deriska ah aan looga maarmeyn dagaalka ay dowladdu kula jirto kooxda Al-Shabaab.

Wasiiru dowlaha arrimaha dibadda Soomaaliya Cali Balcad ayaa xusay in saadka ciidamada ay Soomaaliya aad ugu baahan tahay in laga caawiyo, isla markaana Itoobiya ay ka mid tahay dalalka soo saara hubka.

“Madaxweynuhu wuxuu nku baaqay dagaal, shacabka oo ka jawaabaya baaqiisa ayaa hubka qaatay, hadda madaxweynuhu wuxuu dalka Itoobiya ka raadinayaa kaalmo dhanka dagaalka ah, Itoobiya waxay ka mid tahay wadamada hubka sameeya,” ayuu yiri Wasiir Cali Balcad.

Dhinacyada amniga iyo dhaqaalaha ayuu sidoo kale xusay in Soomaaliya iyo Itoobiya ay ka arinsanayaan sidii ay isaga kaashan lahaayeen, isagoo meesha ka saaray in wax un madmadow ah ay ku jiraan xiriirka labada dal.