Dowladda oo leexinaysa $20 milyan oo Bankiga Adduunka uu ku deeqay + Sababta

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Howlaha guud, dib u dhiska iyo guriyeynta xukuumadda federaalka Soomaaliya, Ismaaciil Cabdiraxmaan Sheekh Bashiir ayaa saxiixay $20 Milyan oo Bangiga Adduunka ku darayo mashruuca SURP II ee wasaaradda hawlaha guud.

Lacagtaan uu sixiiyay wasiirka howlaha guud ee Soomaaliya ayaa waxaa loo leexinaya in wax lagaga qabato saameynta dhanka abaaraha ee ka taagan dalka, ayada oo ay fulin doonto IOM.

“Mashruuca SURP II oo uu maal-galiyey Bangiga Adduunka ayaa lagu dhisaa Waddooyinka dhexmara magaalooyinka Dalka e burbursan, kuwaas oo dhibaatooyin kala duwan ay ku qabaan Shacabka,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay kulankaan.

Sidoo kale waxa lagu sheegay in leexinta lacagtaan ay isku raaceen Madaxda Bangiga Adduunka iyo Wasiirka howlaha guud, waxaana 20-ka Milyan wax lagaga qaban doona saameynta abaarta ka jirta dalka.

Soomaaliya ayaa waxaa ka jirta Abaar aad u daran, taasi oo saameysay dadka iyo duunyada, waxa socdana dadaalo ay madaxda ugu sareysa dalka ku doonayaan in loo gurmado dadka ay saameysay abaarta oo ku nool deegaanada kala duwan ee dalka.