Abaabulka duulaan Ceelbuur ku wajahan oo socda iyo wararkii ugu dambeeyey

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka laga helayo gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in abaabul dagaal iyo dhaqdhaqaaq ciidan uu ka socda halkaas, kaasi oo ka dhan ah xarumo waaweyn oo Al-Shabaab ay kaga sugan yihiin gobolka.

Ciidmada dowladda federalka Soomaaliya oo ay wehliyaan ciidamo beeleedyo deegaanada Galgaduud kasoo jeeda ayaa dhowr jiho kaga siqaya magaalada Ceel-Buur oo la aaminsanyahay inay tahay xarunta ugu weyn ee Al-Shabaab ee gobolka.

Gudoomiye ku-xigeenkii hore ee gobolka Banaadir oo ka mid ah siyaasiyiin iyo waxgarad ciidamada ku wehliya jiidaha dagaalka oo la hadlay VOA ayaa xaqiijiyay dhaq-dhaqaaqyada ciidan.

“Dagaalkaan waxa uu ku yimid go’aan qaadasho uu qaatay madaxweyne Xasan Sheekh, maadama uu dareemayo inay culeys ku hayaan shacabka uu madaxweynaha u yahay. Dowladdii hore diyaar uma aheyn inay la dagaalanto Al-Shabaab,” ayuu yiri.

Sidoo kale waxa uu sheegay in jiida hore u tagay si uu dadkiisa garab istaag ugu muujiyo, islamarkaana uu diyaar u yahay in uu halkaas ku sugnaado illaa inta argagixisada laga xoreynayo deegaanadaasi.

“Dagaalka waxaa iska barbar dagaalamaya ciidamada dowlada iyo kuwa qabaa’iilada, qolo kasta waxa lagu aadiyay aaga ay u leedahay deegaan ahaan.”

Kacdoonka shacab ee ka dhanka ah Al-Shabaab ayaa sii xoogeysanaya, ayada oo kooxda lagala wareegay deegaano badan oo ay sanado dhowr ah gacanta ku haysay, waxaana howl-galada ka dhanka ah Al-Shabaab wada ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka oo is abaabulay.